Israel & Xamaas oo ku heshiiyey xabbad Joojin KMG ah & Is dhaafsiga tiro maxaabiis ah (Arrin laga diidey)

0

(Qasa) 22 Nof 2023 – Israa’iil iyo Xamaas ayaa ku heshiiyey heshiiska ay Qadar dhexdhexaadinayso oo xabbad joojinta afar maalmood ah oo ka hirgala Gaza iyo sii daynta 50 maxbuus oo lagu hayo degaankaasi.

Ku dhowaad 150 haween iyo carruur Falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyada Israel ayaa iyana lasii daynayaa sida ku cad heshiiska.

Wasiirka Amniga Qaranka Israel, Itamar Ben-Gvir, oo ah nin xag-jir ah, ayaa aad u dhaleeceeyey heshiiskan xabbad joojinta ah ee u dhexeeya Xamaas iyo Israa’iil, isagoo ku dooday in joojinta dagaalka ay keenayso “tusaale khatar ah” islamarkaana ay tahay fursad ay aad u doonaysey Xamaas.

Israel ayaa sheegtay inay Xamaas Marinka Gaza ku hayaan ilaa 237 oo qofood, waxaase haatan la sheegay in dadka 50-ka ah ee la sii daynayo marka hore loo qaadayo Masar oo deeto looga soo duulinayo Israel.

Inta ay socoto xabbad joojintani waxaa Gaza loo fasaxayaa ilaa 300 oo gaari oo gargaar wada oo gaari doona degaankaasi, balse waxaan la fasixi doonin in dadkii horay uga bara kacay woqooyiga Gaza ee koonfurta tegey ay dib u laabtaan muddadaas.

Lama oga in xabbad-joojinta lasii dheerayn karo ama in laga dhigi kari doono mid joogto ah.

Israel ayaa ilaa haatan laysay dad rayid ah oo ka badan 14,100 qofood kuwaasoo 3 meelood oo ka tirsani ay yihiin carruur iyo haween.

INTERACTIVE-LIVE-TRACKER-GAZA 1080 x1080-1700634131

Hadalsame Media