(Hadalsame) 22 Nof 2023 – Wadar ahaan, in ka badan 40 waddan ayaa ilaa hadda muujiyey xiisaha ay u qabaan ku biirista dalalka BRICS oo ah qaar ku kacsan awoodda ku urursan gacanta Galbeedka oo qura, sida uu sheegay guddoomiyaha 2023 ee Koonfur Afrika.
Pakistan ayaa laga yaabaa inay ku biirto isbahaysiga dhaqaalaha ee BRICS sanadka soo socda, sida uu sheegay Safiirka cusub ee dalkaasi dhowaan u magacaabay Ruushka Muxamed Khalid Jamali, mar uu waraysi siiyey Wakaalada Wararka ee TASS Arbacadii.
Waxa uu sheegay in waddankiisu uu mar horeba dalbaday xubinnimada oo uuna ku xisaabtamayo caawinta Ruushka dhanka habka aqbalaadda. Ruushka ayaa la wareegi doona guddoomiyaha BRICS sanadka soo aaddan ee 2024-ka.
“Pakistan waxay jeclaan lahayd inay qayb ka noqoto ururkan muhimka ah, waxaana ku jirnaa hannaankii aan ula xiriirayney guud ahaan dalalka xubnaha ka ah iyo Ruushka gaar ahaan si uu u taageero xubinnimada Pakistan.” ayuu yiri danjiraha Pakistan ee Moscow.
BRICS waxay hadda ka kooban tahay dalalka Brazil, Russia, India, China, iyo South Africa sida lagasoo gaabiyey magaca laftiisa.
Yeelkeede, ururkan waxa ku biiri kara dhowaan Argentina waloow uu diiddan yahay Madaxwaynaha ay dhowaan doorteen, Masar, Ethiopia, Iran, Saudi Arabia, iyo UAE oo la wada sugayo bisha Janaayo.
Sida ku cad qiyaasaha falanqeeyayaasha dhaqaalaha, BRICS marka la ballaariyo waxa ay durba dhaqaale ahaan ka wayn tahay G7, oo ah isbahaysiga waddamada horumaray ee wershadaha leh ee ka kooban dalalka US, Canada, UK, France, Italy, Germany, iyo Japan.
Hadalsame Media