Dalalka BRICS oo laga codsaday inay Israel u aqoonsadaan nidaam argagixiso ah (4 dal oo dacwad rasmi ah ka gudbiyey hub halis oo ay…)

0

(Hadalsame) 22 Nof 2023 – Madaxwaynaha Iran ee Ebrahim Raisi ayaa ugu baaqay wadammada BRICS inay dowlada Israel iyo ciidamadeeda u aqoonsadaan ururro argagixiso sababo la xiriira dembiyada dagaal ee ay ka gaysteen dhulka Falastiiniyiinta.

Waxa uu codsigan ugu gudbiyey kooxdan kulanka Wadajirka ah ee aan caadiga ahayn ee ay ku yeesheen khadka internetka ee ku saabsan xaaladda Bariga Dhexe iyo Gaza Talaadadii.

Iran, oo si rasmi ah xubin uga noqotay BRICS bishii Janaayo, ayaa codsatay shir madaxeedkan deg dega ah si looga hadlo dagaalka Israel ee Gaza.

Raisi ayaa sidoo kale ku boorriyey dalalka xubnaha ka ah BRICS inay isticmaalaan saamayntooda si ay u jebiyaan “go’doominta” Israel ee Gaza oo ay xaqiijiyaan gaarsiinta badbaadada iyo gargaarka bini’aadannimo.

“Waxaa lagama maarmaan ah in nidaamkan been abuurka ah loo aqoonsado maamul argagixiso ah, ciidankeedana loo tixgeliyo urur argagixiso,” ayuu yiri, isagoo ka codsanaya xubnaha ururka inay aqoonsadaan xaqa ay dowladda Falastiin u leedahay inay is-difaacdo iyaga oo xiriirka u jaraya nidaamka Israel.

Wadamada BRICS waa inay sidoo kale furaan baaritaan ku saabsan adeegsiga Israel ee  fosfooraska cad ee sharci darrada ah iyo hubka kale ee mamnuuca ah ee ka dhanka ah dadka rayidka ah, ayuu Madaxwaynaha Iran soo jeediyey.

Raisi ayaa dhanka kale sheegay, inay taageeri doonaan dadaalka wadajirka ah ee ay waddo Koonfur Afrika – kaasoo ay dacwad ku gudbiyeen iyaga iyo afar waddan oo kale Jimcihii taasoo la gaarsiiyey Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah – si loo baaro in dembiyo dagaal laga gaystay Gaza.

Hadalsame Media