(Hargaysa) 21 Nof 2023 – Dowladda hoose ee magaalada Hargaysa ayaa maanta gubtay bariis ay ku sheegeen in uu halis ku yahay caafimaadka dadka kaas oo la qabtay bilowgii bishan November.
Bariiskan ayaa ciidamada ilaalada kantroolka Daloodho ee waqooyiga Hargaysa ay qabteen isagoo ku rarnaa gawaari xamuul ah kana yimid dhanka Jamhuuriyada Jabuuti sida uu BBC-da u xaqiijiyey maayir xigeenka magaalada Hargeysa Khadar Axmed Cumar.
Haya’adda Dhowrista Tayada ee Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa xaqiijisay halista bariiskan.
“Waxaa laga qaaday samballo kuwaas oo laab ay ku baartay haya’adda Dhowrista Tayada ee Somaliland ka dibna waxaa la xaqiijiyey inuusan u wanaagsananyn in la isticmaalo,” ayuu yiri Khadar.
Maayer xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in uusan bariiskan galin magaalada oo lagu guulaystay in la qabto inta la galin suuqa.
Maxkamadda Hargeysa ayaa xukuntay in la gubo bariiskan iyadoo dowladda hoose ay meel fagaaraa ku gubeen. Sidoo kale waxaa waaran iyo xukunno lagu riday dadkii sida ganacsigaa u watay.
Shixnadda oo dhammayd 96 tan oo bariis ayaa maayer xigeenku sheegay in la gubay oo xeer ilaalinta iyo dowladda hoose ay fuliyeen amarkii maxkamadda.
Isagoo sii hadlayey Khadar waxaa uu xusay in inta ogaalkiisa aysan jirin meel kale oo Somaliland oo bariiskaasi lagu gudbay uuna ka koobnaa shixnadaha Hargaysa lagu qabtay ka dib baaritaanno la sameeyey la xaqiijiyey.

Kaniini la sheegay inay tayadiisa liidato
Isla bishan November ayey haya’adda Dhowrista Tayada ee Somaliland sheegtay inay qabteen kiniini tayadiisu liidato oo halis caafimaadna sababi kara.
Mukhtaar Maxamed Cali oo ah guddoomiyaha hay’adda dhowrista tayada u qaabilsan Somaliland ayaa BBC u sheegay in dawadaas oo ah kiniin xanuun baabi’iye la yiraahdo Ebufac 400mg, magaceeda rasmiga ahna uu yahay Ibuprofen ay ka dabatageen shirkadda ku qoran taasoo noqotay shirkad jumlad ku bixisa dawada ee aysan ahayn tan samaysa.
Wuxuu intaa ku daray in baaritaan ay sameeyeen ay ku ogaadeen in aysan lahayn dawadaas maaddooyinkii loo baahnaa ee waxtarka lahaa.
“Been abuurku mar walba waa jiray, aqoontana heerkii la taagnaa shalay maanta lama taagna” ayuu yiri Mukhtaar Maxamed Cali oo BBC u sheegay inay iminka u sahlan tahay in wax kasta ay xaqiiqdooda dhabta ah ogaadaan. Wuxuu kaloo sheegay in ay ka warqabaan, inta u diiwan gashan, 50 kaartoon oo dawadaas ah oo dalka soo galay.
Waa markii labaad ee isla Bishan ay Jamhuuriyada iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland soo bandhigto dawo iyo raashin ay sheegeen inuu halis ku yahay caafimaadka dadka kuwaas oo lagu guulaystay in la qabto.

XIGASHADA SAWIRKA,BARAHA BULSHADA
Ma jirto waxyeello la ogyahay oo ay dawadan been abuurka lagu sheegay u leedahay caafimaadka bani’aadmiga sida uu sheegay Mukhtaar Maxamed Cali.
“Qofkii oo u xanuun hayo ama dhibaato haysato haddaanay dawadii waxba u tarayn oo dawadii been abuur tahay, waxyeello taas ayaa ugu filan ayuu yiri”.
Guddoomiyaha hay’adda dhowrista tayada ee Somaliland wuxuu intaa ku daray in xuduudaha ay u joogaan shaqaale hay’adda ka tirsan, “haddiise dawadu ay soo gasho waxaan leenahay dad suuqa noo jooga oo ogsoon wixii soo galaya, kuwaaso magaalaad dhexdeeda ku baara, hadday noqon lahayn farmashiyeyaasha ama jumladleyaasha, iyo bakhaarrada”.
Mar ay BBC weydiisay in ay suurtogal noqon karto in dawada la qariyo dibna suuqa loogu soo celiyo ayuu Mukhtaar ku jawaabay in aysan suurto gal noqon karin oo ay adag tahay. “Waxaan ku jirnaa wakhti dadka shacabka ahi heegan yahay, sidoo kalena dawladda hoose iyo booliskaba ay noola shaqaynayaan si ka badan sida aan u shaqayno, ayagoo mas’uuliyad badan isa saaraya, sidaa darted ma jirto sabab lagu qarin karo iyo meel lagu qarin karo” ayuu yiri.
BBC
Hadalsame Media