(London) 21 Nof 2023 – Neither Sunak, who was chancellor at the time, nor then-PM Boris Johnson were in favor of closing the economy again and compounding the financial ruin wrought by the first lockdown, according to Vallance’s diaries, which the scientist kept as a sanity-preserving exercise during the pandemic.
Ra’iisal Wasaaraha UK ee Rishi Sunak wuxuu rabey in dowladdu ay “kaliya dadka u dayso inay iska dhintaan” halkii ay soo rogi lahaayeen xannibaado qaran oo labaad inta lagu guda jirey masiibadii Covid-19, sida uu La-taliyihii hore ee sayniska ee London, Patrick Vallance, uu u sheegay guddi dowladda ka tirsan oo baaris ku wada maarayntii Covid-19.
Midkoodna Sunak, oo markaa ahaa Wasiirka Maaliyadda iyo Ra’iisul Wasaare-hii Boris Johnson midkoodna ma jeclayn in dhaqaalaha la xiro mar labaad oo la kordhiyo burburkii dhaqaale ee ay keentay xannibaaddii ugu horreeysey, sida laga soo xigtey xusuus-qorka Vallance.
“Rishi wuxuu doonayey in dadku ay iska dhintaan oo taasina caadi tahay. Waxaas oo dhami waxay muujinayaan hoggaan la’aan dhammaystiran, ”ayuu ku qoray xusuus-qor ku taariikhaysan Oktoobar 25, 2020 oo ay arkeen qolada baarista wadda, kuwaasoo loo xilsaaray inay baaraan jawaabta dowladda ee masiibadan.
Sunak ayaa la sheegay inuu faallooyinka ka bixiyey kulan uu la yeeshay Johnson iyo la-taliyihiisii sare, Dominic Cummings, kaasoo isna ereyadiisa u gudbiyay Vallance.
Cummings ayaa qabey in sida ugu saxsani ay tahay in lasoo rogo xannibaado buuxa, iyadoo xitaa RW hore ee Johnson uusan jeclayn fikradda.
Hadalsame Media