”Waxaa naloo yimid annaga oo aan hubaysnayn” – Arrin lagula kacay gabdhaha la shaqeeya Ciidanka Israel oo hadda la ”kashifay”

0

(Tel Aviv) 21 Nof 2023 – Weerarka khasaaraha badan dhaliyey ee ay Xamaas ku qaaday Israa’iil ayaa laga hortegi kari lahaa haddii la dhageysan lahaa cutub ka tirsan Ciidamada Difaaca Israa’iil oo ka kooban haween u xilsaaran la socodka Gaza, sida uu wargayska Haaretz u sheegay askari aan magaciisa la shaacin.

Waxay arrintaa sabab uga dhigtay inay dumar yihiin feejignaan la’aanta loo muujiyey warbixintooda digniinta ah.

Maqaal wargayskaa lagu daabacay, haweenkan ayaa sheegay inay ku celceliyaan inay si isdaba joog ah u wargeliyaan madaxyadooda oo ay u sheegeen dhadhaqaaqa kooxda reer Falastiin ee Xamaas.

Sida laga soo xigtay wargayska, ciidamadan ilaalada dumarka ah ayaa duullaanka sii sheegay bilo kahor iyagoo xusay in wax aan caadi ahayn ay dhici doonaan.

Waxaa la sheegay inay arkayeen dagaalyahannada oo howlgallo ka wada meelo ku dhow xayndaabka xuduudka, samaynayana tababar ku aaddan dilista taangiyada, deminta kaamarooyinka ammaanka ee CCTV, iyo dhaqdhaqaaqa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee aagga oo kordhay.

“Waa cutub gebi ahaan ka kooban gabdho da’yar iyo taliyeyaal da’yar oo haween ah,” mid ka mid ah askarta la waraystay ayaa u sheegtay warbaahinta. “Shaki kuma jiro in haddii ay rag ku jiri lahaayeen dadka fadhiya shaashadahaas, taladooda la qaadan lahaa.” ayay tiri.

Haweenku waxay sheegeen in maalintii uu dhacayey duullaankii Xamaas, “aysan jirin cid u sheegtay inay jirto feejignaan heerkeedu sarreeyo,” iyaga oo tixraacaya sheegashada saraakiisha sar sare ee ammaanka ee ahayd inay uga digeen suurtagalnimada in lasoo weerari karo bulshooyinka deggan aaggagga xuduudaha ay dhigtay Israel.

Sida laga soo xigtay hal askari, saddex ama xitaa laba saacadood ayaa ku fillaan lahaa inay is diyaariyaan. “IDF waxay nooga tagtay sida ari dayacan” ayay ku calaacashay, iyadoo xustay in ciidamada kale ay “ugu yaraan hub haysteen oo loo dilay sidii geesiyaal” halka dumarkii fadhiyey kaamarooyinka ammaanka “ay si fudud u gowraceen Xamaas iyagoo aan helin wax fursad ah oo ay isku difaacaan maadaama aysan hubaysnayn.”

Dabayaaqadii Oktoobar, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ww Benjamin Netanyahu ayaa ku qoray X (ex Twitter) inay been tahay in looga digey weerarka Hamas.

Waxa uuse raalligelin bixiyey oo tirtiray hadalkaas wax yar kaddib mowjado dhaleecayn ah oo uga yimid mas’uuliyiinta iyo siyaasiyiinta Israa’iil.

Hadalsame Media