(Tel Aviv) 21 Nof 2023 – Waxaa dalal badan oo Muslim ahi haatan ku fooggan yihiin inay samaystaan tamarta nukliyeerka ah ugu yaraan isaga oo silmi ah, iyadoo aanu jirin dal si rasmi ah u haysta hubka nukliyeerka oo Muslim ah, marka laga reebo Pakistan.
Rakibaadda mid ka mid ah walxaha ugu muhiimsan qaybta labaad ee curiyaha tamarta wershadda Nukliyeerka ee El-Dabaa (NPP) ee Masar ayaa bilaabatay kaor waqtigii loo qorsheeyey, sida ay shaacisay Shirkadda Tamarta ee Ruushka laga leeyahay ee Rosatom.
Sida laga soo xigtey Andrey Petrov, Xigeenka Agaasimaha Guud ee tamarta nukliyeerka ee Rosatom, khabiirrada Ruushku waxay bilaabeen inay ku rakibaan aaladda dhalaaliska, ama ”dabin dhalaalka” oo ka mid ah qaybaha muhimka ah ee nidaamka badbaadada dadban, oo lagu xirey unugta qaybta labaad ee tamarta wershadda taasoo ah ay dhisayso shirkaddu, taasoo horay loo qoondeeyey 2024-ka.
Waxa kale oo uu sheegay in shirkadu ay doonayso inay shubto “qaybta ugu horreeysa” ee saldhigga aasaaska qaybta tamarta ee afraad dhammaadka sanadkan 2023-ka.
Wershada El-Dabaa oo afar-curiye ka kooban ayaa ku taal meel 300km woqooyi-galbeed kaga beegan Qaahira dhanka xeebta Mediterranean-ka. Mashruucan oo la ansixiyey 2015-kii, waxa la bilaabay 2017-kii, waxaana dhismuhu bilaabmay 2022-kii.
Afarta curiye ee nukliyeerka loo qorsheeyey wershadda ayaa la filayaa inay soo saaraan 4.8 GW sanadka 2030 marka ay buuxda u shaqeeyaan. Maajo 2023-ka, Rosatom waxay bilaabay dhismaha unugga tamarta saddexaad ee wershadda.
El-Dabaa waxay noqon doontaa NPP-gii ugu horreeysey ee Masar iyo xaruntii ugu horreeysey ee qaaradda Afrika ee noocan ah oo lagu dhiso farsamada Ruushka.
Sidoo kale waa mashruucii ugu waynaa ee ay iska kaashadaan Ruushka iyo Masar tan iyo markii la dhisay biyo-xireenka Aswan kaasoo la dhisay min 1960 ilaa 1970.
Hadalsame Media