(Qasa) 20 Nof 2023 – Kooxda saldhiggeedu yahay dalka Yemen ee Xuutiga ayaa muujinaya diyaarad yar oo ah nooca qumaatiga u kaca oo kusoo degtey markabka xamuulka ah ee Galaxy Leader.
Kaddib waxaa la arkayaa rag sita qoryo oo la wareegaya markabka, iyadoo shaqaaluhu ay gacmaha ku hayaan madaxa si ay isu dhiibaan.
Muuqaal ay kooxdu sii daysay ayaa sidoo kale muujinaya dhowr doonyood oo dheereeya oo uu ka babanayo calanka Falastiin iyo kan Yemen oo ku hareeraysan markabka.
Calamada ayaa sidoo kale lasoo bandhigay iyagoo ka dul babanaya isla markabka xamuulka ah laftiisa kaddib markii lala wareegey.
Ilaa 25 ruux ayaa la rumaysan yahay inay saarnaayeen markabka, waxaana la geeyey xeebaha dalka Yemen.
Xuutiyiintu waxay sheegeen in markabkani uu yahay Israa’iili, balse Israa’iil waxay ku tilmaantay markab nooca xamuulka ah oo laga leeyahay dalka Britain islamarkaana ay Japan ku shaqaysato.
Dhanka kale, Xamaas ayaa la sheegayaa inay duqeeyeen bartamaha iyo koonfurta dhulka ay haysato Israel oo ay ku jirto Tel Aviv.
Waa markii ugu horreeysey oo ay duqayn noocaas ah gaysteen tan iyo bilowgii weerarka Israel, taasoo keentay inay shacabka Israel is waydiiyaan halka ay ku jiraan iyo sababta ay ilaa haatan oo bil ka badan uu dagaalku soconayo ay awood ugu yeesheen weerar noocan oo kale ah.
🚨Sirens sounding in Tel Aviv and central Israel🚨
— Israel Defense Forces (@IDF) November 20, 2023
Hadalsame Media