(Monrovia) 20 Nof 2023 – Ciidamada Amniga ayaa heegan sare la geliyey kaddib markii Mohamed Salah ay kusoo yaaceen taageerayaal agaroonka kusoo qamaamay intii lagu jirey ciyaartii ay Masar 2-0 kaga badisay Sierra Leone Axaddii shalay oo ay ku ciyaareen gegada Samuel Kanyon Doe Sports Stadium ee Liberia.
Salah ayaa caawiye ka noqday goolka ciyaaryahankii hore ee Aston Villa ee Trezeguet oo laba gool u dhaliyey xulka Masar oo sii wata bilowgiisii ugu fiicnaa ee ay ugusoo bixi lahaayeen Koobka Adduunka 2026.
Ciyaarta ayaa kusoo idlaatay si aan qurxoonayn iyadoo kooxda martida loo ahaa ay ciyaarta ku dhamaysatay 9 nin, iyadoo Abdul Jarju Kabia iyo Xiddigga kooxda Derby County ee Tyrese Fornah labadoodaba la siiyey kaararka cas.
Sawirro wareegaya baraha bulshada ayaa muujinaya ciidanak amaanka oo kusoo ordaya garoonka ciyaarta xilli ay xayndaabka garoonka kasoo boodeen taageerayaal markiiba u orday dhinaca Salah, iyadoo saaxiibada xulka Masar ay iyaguna ilaalo kasii qabteen weeraryahanka Liverpool oo ay agtiisa kusoo urureen.
Waxaa la arkayey in xitaa loo yeeray ciidanka millateriga oo Salah ka gelbiyey gudaha garoonka.
2021, Salah oo wajahayey xulka Angola oo ay Masar lasoo ciyaaraysey ayay sidan oo kale dhacday in garoonka ay soo galaan taageerayaal hollinayey inay isaga gaaraan.
Salah is literally Egyptian royalty
pic.twitter.com/liCWWSFb0H— Jürgen (@Jurgegenpress2) November 19, 2023
🎥 Mohamed Salah almost gets attacked as opposition fans run onto the pitch and surround Salah.pic.twitter.com/wgG5bKrRov
— Anything Liverpool (@AnythingLFC_) November 19, 2023
Hadalsame Media