Maxaa ka jira wararka sheegaya inay diiddan yihiin inay berri dheelaan Xulka Somalia?

0

(Berkaan) 20 Nof 2023 – Waxaa caawa soo baxayey warar tibaaxaya in ciyaartooyda Xulka Qaranka Somalia ay diiddan yihiin inay berrito ciyaaraan kulanka Uganda oo ay ciyaarta 2-aad ee isreebreebka ku arki lahaayeen.

Ciyaartooyda ayaa la sheegay inay gadood ka sameeyeen xuquuq lacageed oo ka maqan, iyadoo qaar kamid ah ay hoteelka isaga baxeen, balse warkaas lama xaqiijin.

Waxaa sidoo kale la sheegay inay socotey waanwaan iyo wadahadal xaalka lagu dejinayo, xilli ay wiilasha Xulka Qaranku ay u doodayeen in xuquuqdooda loo siiyo si buuxda.

Yeelkeede,  bogga rasmiga ah ee Xiriirka Kubadda Cagta Somalia ee SFF ayaa lagusoo qoray war ay dadka qaar sheegeen inuu tilmaamayo in arrinka la xalliyey.

“Xulku waa u diyaar kulanka Uganda” ayaa lagusoo qoray Bogga Xiriirka SFF oo aan soo hadal qaadin wararka suuqa soo galay.

Xulka Somalia ayaa berritoole ku dheelaya Garoonka Munishiibiyada ee Berkane Municipal Stadium ee Berkane dalka Marooko oo ay guri ahaan u isticmaalayaan inta uu socdo isreebreebka KA2026.

Hadalsame Media