Israel oo burburisey dhisme muhim u ah Falastiiniyiinta oo ay rug ”argagxiso” ku tilmaameen

0

(Gaza) 20 Nof 2023 – Ciidamada Israa’iil ayaa Arbacadii burburiyey dhismaha baarlamaanka Falastiin ee Gaza, iyagoo falkan ku tilmaamay mid qayb ka ah dagaalka ka dhanka ah Xamaas.

Afhayeenka Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, ee afka Carabiga ku hadla, Ofir Gendelman, ayaa X soo geliyey muuqaal hal daqiiqo soconaya oo ku saabsan burburinta.

Waxaa muuqaalka laga arkayaa dhismaha oo mar qura dambas iyo burbur isu rogaya iyo qiiq iyo siigo ka baxaya, iyadoo ciidammada Difaaca Israa’iil (IDF) ee ku sugan dhufaysyada u dhow ay qosol iyo wirix ka muujinayeen godadkooda.

“Maanta, ciidamadeena dhulku waxay qarxiyeen xaruntii Golaha Sharci Dejinta ee Xamaas ee Marinka Gaza, taasoo qayb ka ah burburinta maamulka Xamaas oo ah talis u taagan dulmi iyo argagixiso.” ayuu qoray Gendelman.

Lama oga sida burburinta dhismahani uga dhigan yahay la dagaallan argagixiso maadaama uu yahay dhisme dowladeed oo muhim u ah Falastiiniyiinta, iyadoo Israel ay ilaa haatan Marinka Gaza ku laysay carruur iyo haween ka badan 7,000 oo qofood.

Hadalsame Media