(Hadalsame) 20 Nof 2023 – 2002-dii ‘warqad ku socota dadka Maraykanka’ oo uu u qoray hoggaamiyihii Al-Qaacida ee Osama Bin Laden ayaa hadda ku faaftay TikTok kaddib markii dhallinyaro Maraykan ahi ay dib u heleen.
Waxaana ka muuqata in Bin Ladin uu aqoon durugsan u lahaa arrimaha ku saabsan Maraykanka iyo madaxdood – ugu yaraan wax ka badan inta ay dhallinyaradan qaarkood ay fili kareen.
Daniel Dumbrill, oo ah nin saamayn ku leh baraha bulshada, fadhigiisuna yahay Shiinaha, ayaa barta X (ex Twitter) soo dhigay mid ka mid ah warqadaha uu qoray Bin Laden, halkaasoo uu si gaar ah ugu xusay in Bin Laden uu xilligaa Madaxwaynaha Mareykanka ee haatan ee Joe Biden uu ka doorbidayey Madaxwaynihii xilligaas ee Barack Obama. Biden wuxuu markaa ahaa MW Xigeen. Halkan ka arag warqadda Bin Laden.
Bid Laden ayaa warqadda uu kaga hadlayey sida ay u doonayeen inay Obama khaarajiyaan ku qoray, “Waxaan ka codsaday Shaykh Saciid (Alle ha u naxariistee) inuu walaal Ilyaas (Kashmiri) u xilsaaro inuu diyaariyo laba kooxood, mid Pakistani ah, iyo mid kale oo la dhigo agagaarka Bagram (saldhig ciidan cir), Afgaanistaan. Labadan kooxood waxay ahayd in loo xilsaaro sahminta booqashadii Obama ama Petraeus ee Afgaanistaan ama Pakistan iyo beegsiga xiga ee diyaaradaha ay ku safrayaan.”
Tan ugu darani waa farriinta ku jirta qaybta 2-aad ee uu Bin Laden ku caddaynayo inuusan doonayn dilka Joe Biden oo uu u arkayey nin aan culays badan lahayn, sida uu u arkayey.
”Si kastaba ha ahaatee, haddii ay heleen warka ku saabsan imaatinka Joe Biden (Madaxwayne Xigeenkii xilligaas), Gates (Xoghayaha Difaaca), Mullen (Abaanduulkii Guud) ama Holbrooke (Ergaygii Obama ee Afgaanistaan-Pakistan), waa in aanay bartilmaameedsan afartan midkoodna; waa in diirada la saaraa oo qura Obama iyo Petraeus,” ayuu ku amray isagoo sharraxaya sababta.
”Sababta aan si gaar ah diiradda ugu saarayo Obama ayaa ah in uu yahay madaxa gaalnimada iyo in dilka uu Biden u dhiibi doono xilka madaxtinnimada inta ka harsan xilliga doorashada. Biden gabi ahaanba ma awoodo inuu qabto xafiiskan, inuu qabtana waxay ku riixi doontaa Maraykanka xiisad qoto dheer.” ayuu warqada kusoo gabagabeeyey.
Watching Blinken cringe at Biden is like watching the American empire crash and burn in real time.pic.twitter.com/aLxaJ9QV6D
— Danny Haiphong (@SpiritofHo) November 17, 2023
Hadalsame Media