Dal Muslim ah oo sheegay inuu samaystay hub ay dunida ka haystaan 2 dal oo qura + Sawirro

0

(Hadalsame) 20 Nof 2023 – Gantaalaha guuxooda ka dheereeya waa wax ku cusub dunida waana tiknolojiyad ay ilaa haatan ku guulaysteen laba dal oo qura; Ruushka oo bilaabay iyo Shiinaha oo olog la ah, halka Maraykanka oo aad u doonaya aanu weli dhaafin wejiga tijaabada.

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa soo bandhigay gantaal noocan ah xaflad ka dhacday magaalada Tehraan oo uu ka qybgalay Hoggaamiyaha Sare ee dalkaasi, Ayatullah Ali Khamenei Axadii, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha Iran.

Gantaalkan ay Iran soo bandhigtay ayaa lagu soo warramayaa inay adeegsanayo tiknoolajiyadda gantaalaha mushaaxa hawada sare ee naadirka ah.

Gantaalkan ayaa lagu soo bandhigay Jaamacadda Culuunta Hawada Sare ee Sayniska iyo Tiknolojiyadda xilli ay socotey carwo loo qabtay horumarka ay Jamhuuriyadda Islaamiga ahi ka samaysay dhanka Tiknoolajiyada hawada sare.

Sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka ee IRNA, gantaalkan oo lagu magacaabo Fattah-2 waxa uu ku qalabaysan yahay madaxyo leh awoodda glider-ka oo u sahlaysa mushaaxa hawada, taasoo dhigaya “nooca HGV …ee gantaalaha guuxooda ka dheereeya.”

Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in Jamhuuriyada Islaamiga ahi ay noqotay waddankii afraad ee caalamka ee isticmaala tiknoolajiyada noocaan ah, waloow Maraykanku uusan weli rasmiyan u haysan gantaalo noocan ah oo adeeg geli kara, ugu yaraan inta la ogyahay.

Gantaalaha leh qaabka mushaaxa guuxa ka dheereeya ee loo yaqaan HGV, waa nooc ka mid ah madaxyada gantaalaha u oggolaanaya inuu sameeyo hab-dhaqaaq siinaya xawaare sare oo uu guuxiisa uga dheeraynayo.

Inta badan waxa lagu rakibaa gantaalaha baallistigga ah waxaana uu si sahlan u beddeli kartaa jihada duullimaadkiisa kaddib marka la rido, taasoo bartilmaameedsigiisa ka dhigaysa mid aad u adag iyo xitaa in ay ogaadaan hababka difaaca gantaalaha ee cadawga marka loo eego madaxyada gantaalaha caadiga ah ee ku socda tiiro lasii saadaalin karo halka ay ku dhacayso, xawaaraha uu ku socdo iyo meelaha uu mari karo oo u xoodan sida qaansada (arc trajectory).

Hadalsame Media