Dal Afrikaan ah oo dacwad rasmi ah oo Israel ka dhan ah u diray ICC (Dalal kula jira)

0

(Hadalsame) 20 Nof 2023 – Waxaa ugu dambayn isa soo taraya dalalka dunida ee u muuqda inay ka daaleen dhibane iska dhigista Israel oo sanado badan seefta u dhigaysey shacabka Falastiin iyadoo qayb ahaan adeegsanaysa beer-jileeca iyo wareerinta ra’yil caamka dunida. Arrintaas ayaa haatan u muuqata inay bedelmeen waayahan ay dunidu isu wada jeeddo.

Koonfur Afrika ayaa ka codsatay Maxkamadda Xaalamiga ah ee Dembiyada (ICC) inay baaritaan ku samayso dowladda Israa’iil gaar ahaan eedeymaha dembiyada dagaal ee Gaza, sida uu ku dhawaaqay Madaxwayne Cyril Ramaphosa oo booqasho labo maalmood ah ku joogey Qadar.

Dacwaddan ka dhanka ah Israa’iil, oo aan ansixin heshiiskii Roma – heshiiska lagu dhisay ICC – waxaan la qaadannay “wadamo kale oo badan”, ayuu yiri Ramaphosa, iyadoo aan la sheegin dalalka ku lugta leh ee kula jira.

Toddobaadkii hore, Madaxwaynaha Colombia ee Gustavo Petro ayaa kaga dhawaaqay Bogota inuu codsan doono in maxkamaddu ay dacwad kusoo oogto Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ee Benjamin Netanyahu “xasuuqa” dadka rayidka ah uu ugu gaysanayo Gaza.

Sidoo kale, laba qarreen oo Turkish ah iyo xildhibaan hore ayaa xukuumadda Ankara ka codsaday inay dacwad ka dhan ah Israa’iil u gudbiso Mxkamadda Dembiyada Caalamiga ah ee ICC, taas oo aanu sidoo kale Turkigu qayb ka ahayn.

Israa’iil ayaa ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Xamaas bishii hore kaddib weerar ay kooxda Falastiiniyiinta ihi ku qaadeen dhulka Israa’iil halkaasoo ay ku dileen dad lagu qiyaasay 1,200 oo qof.

Weerarro argudasho oo ay qaadeen Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa lagu garaacayey Gaza in ka badan hal bil.

Wasaaradda caafimaadka Falastiin ee Ramallah ayaa sheegtay in in ka badan 11,200 oo qof lagu diley degaankaasi tan iyo markii ay dagaalladu qarxeen, iyadoo 2,700 oo kalena la la’yahay.

Hadalsame Media