(London) 20 Nof 2023 – Weriye ka tirsan BBC-da ayaa la sheegay in loo shaqaalaysiiyey inuu keeno cadaymo loo adeegsadey maxkamad nin Soomaali ah oo kufsi loo haystey oo doonayey inuu sii joogo UK, sida la sheegay.
Mary Harper, oo ah tifaftiraha BBC-da ee Afrika, ayaa loo shaqaalaysiiyey inay tahay markhaati khibrad u leh Somalia taasoo ay sameeyeen qareenno u doodayey Yacquub Axmed, si ay iskugu dayaan inay uga hortagaan in loo masaafuriyo Soomaaliya, sida uu sheegay The Mail on Sunday.
Haweenaydan ayaa sidan oo kale samaysay 7 jeer oo kale oo ay ka marqaati furtay kiisas kale 10-kii sano ee tegey, iyadoo Axmed 2008 loo qabtay kufsi wadareed loo gaystey gabar 16-jir ahayd oo lagasoo kexeeyey Leicester Square lana keenay Crouch End.
Axmed, oo la musaafurin lahaa, ayaa Gegada Heathrow lagasoo celiyey 2018-kii kaddib markii ay diideen rakaabka diyaaraddii loo saari lahaa Muqdisho iyagoo ku dooday inay khalad tahay in reerkiisa laga kexeeyo. Waxay ugu dambayn taasi dhacday bishii Agoosto 2023. Halkan ka aqri…
Suxufigu waxa uu caddaymo bixiyey ugu yaraan toddobo kiis oo kale oo socdaalka ah tobankii sano ee la soo dhaafay, oo ay ku jiraan taageeridda qof Soomaali ah oo faraxumayn u geystay gabadh dhegool ah, waa la sheegtay.
Ms Harper waxaa shaqaalaysiiyey qareennada Axmed difaacayey ee London, Wilson Solicitors, si ay u bixiso caddayn ku saabsan xogaha ay ka hayso Somalia sanadkii 2021, sida la fahamsan yahay.
Waxay kasoo muuqatay Maxkamada Socdaalka ee Heerka 1-aad ee Galbeedka London, Ms Harper ayaana lagu warramayaa inay u sheegtay garsoorayaasha in Axmed laga yaabo inay beegsadaan kooxda argagixisada ah ee al-Shabaab sababtoo ah waxay rabaan inay ku ciqaabaan afduubka iyo kufsiga gabadha 16-jirka ah ee ku nool UK.
Waxaa kale oo la sheegay inay ku andacootey inuu dhibaato kala kulmi karo Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya uuna ku dhibtoon karayo sidii uu shaqo uga heli lahaa qaybta dhismaha ee magaalada Muqdisho maadaama uusan lahayn xirfado sax ah.
Waxa ay sidoo kale sheegtay in sida ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha UK ay qorshaynayso in haddii Axmed diyaarad gaar ah loogu duuliyo Muqdisho oo la dejiyo Hoteel ammaan ah ay si qalad ah ugu muujinayso inuu yahay basaas.
BBC-da ayaa sidaa darteed haatan wajahaysa su’aalo ku saabsan sida Ms Harper ay ugu suurtagashay inay ka marqaati furto kiisaskan iyadoo u shaqaysa hay’addan oo laga doonayo inay dhexdhexaad ka ahaato arrimaha noocan ah.
“Waxay ila tahay inay jiraan su’aalo dhab ah oo ku saabsan sababta weriye BBC-da ka mid ah loogu ogolaaday inuu ka marqaati bixiyo kiiskan oo kale ah. Sabab noocee ah ayay BBC ugu aragtaa mid ku habboon?” ayay is waydiisey Dame Priti Patel, Xoghayihii hore ee Arrimaha Gudaha UK.
Hadalsame Media