(Hadalsame) 19 Nof 2023 – Ayaan Mohomed Dhoba oo ah gabar 26-jir ah oo asal ahaan kasoo jeedda Somalia ayaa lagu diley dalka Turkiga.
Gabadhan oo haysata dhalashada Dalka UK ayaa maydkeeda laga helay hoteel ay ka deganayd magaalada loo dalxiis tago ee Istanbul. Waxaana dilkeeda loo qabtay ninkeeda oo Axmed lagu sheegay oo dilkeeda lagu tuhmayo.
Haddaba, aragtida Soomalida ee dilka gabadhaasi dalka Turkiga ayaa waxaa ka hadlay Maxamed Cabdulaahi oo ah ganacsade halkaa ku dhaqan oo waraysi siiyey VOA laanta af Soomaaliga.
”Lamaanuhu maalintii xitaa waxaa naloo sheegay inay makhaayad ka wada qadeeyeen, habeenkiina dilka ayaa dhacay. 4-5 beri ayay Istanbul joogeen waxayna iyaga dhami is qabeen muddo bil ah sida naloo sheegay.” ayuu Maxamed u sheegay VOA.
Ninka dilka ku eedaysan ayaa baxsan lahaa balse dadkii hoteelka joogey ayaa ugu yeeray booliiska kaddibna sidaa ayaa lagu qabtay, halka gabadha loo qaaday qaybta baarista maydadka. Ninka ayaa haatan dhimirkiisa la baarayaa.
Waalidkii gabadha dhimatay ayaa la sheegay inay Turkiga yimaadeen si ay arrinta ula xaalaan, waxaana xitaa uu ganacsaduhu sheegay in gabadha ay wiilku ay qaraabo ahaayeen kuwaasoo dhowaan uun is guursadey si ay ”Bisha Malabka” ugu qaataan magaalada loo tamashle tago ee Turkiga.
Arooskan cusub ayaa waxaa soo baxaysa inay muddo aad u kooban ku sugnaayeen magaalada, waana dhacdo ugub ah inay Soomaaliyi halkaa isku disho weliba waxaa dhacdadu ay yaab badan usii leedahay inay dadkuba isku cusbaayeen.
Hadalsame Media