(Garoowe) 19 Nof 2023 – Wararka ka imaanaya gobolka Nugaal ayaa tibaaxaya in jawi kacsan laga dareemayo gudaha magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland oo ay kusoo qulqulayaan ciidamo kala taabacsan MW Saciid Deni iyo mucaaradka isaga diiddan.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Garoowe lagu dhex arkayo ciidamo hubeysan oo wata gaadiidka dagaalka ee ay Soomaalidu u taqaan ”Tiknikada”, taasoo kicinaysa jawi taban oo ay dadku dareemayaan inay wax dhici karaan daqiiqad kasta.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamo ka tirsan PMPF-da oo wata illaa 20 gaadiidka dagaalka ahi ay gudaha usoo galeen magaalada Garoowe, kuwaasoo ka yimid dhanka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, sida ay sheegeen ilo maxalli ah.
Arrintaan ayaa sidoo kale saamayn ku yeelatay dhaq-dhaqaaqa goobaha ganacsiga, waxbarashada iyo isku socodka gaadiidka oo inta badan hakad ku jira. Waxaa kale oo la arkayey muuqaallo laga duubay shaqaalaha samafalka ee shisheeyaha ah oo iyagoo xiran jaakadaha rasaasta celiya ka baxaya xarumohooda ku yaalla magaalada Garoowe.
Waxaa shaqaalaha baxaya ka mid ah kuwa QM oo door muhim ah ka qaata taageerada iyo mug-dhiska hay’adaha maamul ee Puntland iyo qaar kale oo ka mid ah hay’ado samafal oo aan ahayn kuwa QM hoos taga.
Waxay tani kusoo beegmaysaa tiiyoo ay xubaha mucaaradku xalay ka digeen dhaqdhaqaaq ay sheegeen inuu wado MW Deni, iyaga oo ku eedeeyay inuu ciidamo badan uu kusoo daadguraynayo caasimadda maamulka, mase jiraan wax warar ah oo kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka Puntland.
A video circulated on social media shows foreign aid workers leaving Garowe, Puntland amid tension between Govt and opposition over a disputed electoral process with additional troops pouring into the city. #Somalia pic.twitter.com/FUkHsSsVPd
— GAROWE ONLINE (@GaroweOnline) November 19, 2023
Waxgaradka ku sugan magaalada Garoowe ayaa iyana dhaliil ka muujiyey xaaladdan soo korortay ee aan la qiimayn habsami socodka nolosha iyo ammaanka dadwaynaha oo ah kuwa bixinaya qiimaha ugu badan haddii uu dagaal qarxo, iyagoo soo jeedinaya in la eego danaha iyo wanaagga shacabka.
Dadwaynaha ayaa sidoo kale bilaabay inay ka qaxaan xaafado ka mid ah magaalada oo ah meelaha lagu arkayo ciidamada, iyadoo haddii uu dagaal dhaco uu magaalada oo dhan saamayn karo, maadaama aysan ahayn magaalo aad u wayn oo dhexdeeda lagu qixi karo.
”Iskuulada Garoowe oo saaka ardaydu aadeen waa la fasaxay dib ayaana ardayda loosoo celiyey xaaladaha cabsida ah ee jira awgood. Mid ka mida nasiib xumooyinka indhowaale bulshada Garoowe deris la noqdeen bay ka mid tahay.” ayay tiri Nasro Sabaag oo ka mid ah weriyeyaasha magaalada sidoo kalena ah gayfane bulsho.
Hadalsame Media