(London) 19 Nof 2023 – Warbaahinta Ruushka ayaa faafisay war dhinac 2-aad laga xaqiijiyey oo sheegaya dal ka mid ah Midowga Yurub oo ay sheegeen inay qaadeen tillaabo xadgudub ku ah xuquuqda socod ee insaanka ka qaxaya musiibooyinka iyo dagaallada.
Ilaalada xuduudaha ee Finland ayaa waxay adeegsadeen “gaas ay ku buufiyaan” dadka ku sugan xudduudda qarankoodu la wadaago Ruushka iyadoo xaaladdu ay noqotay mid daran kahor xiritaanka la qorsheeyey ee meelaha laga gudbo, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Finish-ka ee Yle Jimcihii shalay.
Ugu yaraan hal qof ayaa “wejiga gaas looga shubay,” sida lagu sheegay warbixinta. “Waxaa jirey koox aan u hoggaansamin amarrada ilaalada xuduudaha,” ayuu Taliye Xigeenka Ilaalada Xuduudaha Woqooyiga Karelia ee Samuli Murtonen u sheegay Yle.
Wuxuu intaa ku daray in kooxdan dadka ahi ay ku guuldarraysteen inay si sax ah u caddeeyaan “ujeedooyinkooda.” ”Annaga oo ka jawaabayna, waxaan adeegsanney “habka ugu fudud ee suurtagalka ah ee xoog loo isticmaali karo,” ayuu raaciyey.
Sida uu kusoo warramayo weriye Yle ka tirsan oo goobta ku sugnaa, Ciidamada Ilaalada Xuduudda ayaa gaas u adeegsaday ugu yaraan hal qof oo isku dayey inuu orod uga baxsado.
Koox ka kooban 30 qof ayaa waqtigaas soo gaarey xadka koonfur-bari ee Finland ee Niirala. Marinkaasi wuxuu ahaa mid ka mid ahaa afartii gudub ee la xiray habeenkii Sabtigan maanta ah.
Qofka ay dhibaatadu gaartey wuxuu helay gargaarka deg degga ah ee lagama maarmaanka u ah, ayuu sheegay Murtonen. Sargaalku ma uusan caddayn nooca gaaska loo adeegsaday, balse waxa uu sheegay inuu yahay midka inta badan ay adeegsadaan Ciidamada Ilaalada Xuduudda.
Waxaa dadkaa ka mid ah Soomaali habqan ah oo ka mid ah dadka tahriibka ku gala dalal badan oo dunid ah.
Hadalsame Media