(Ankara) 19 Nof 2023 – Turkiga ayaa waydiisan doona kormeerayaasha caalamiga ah sida Hay’adda Tamarta Atoomikada Adduunka ee IAEA inay horta go’aamiyaan in Israa’iil ay haysato hubka nukliyeerka iyo in kale, sida uu maanta sheegay Madaxwayne Recep Tayyip Erdogan.
Isagoo u warramayey warfidiyeennada xili uu kasoo duulayey dalka Jarmanka, hoggaamiyaha Turkiga ayaa xusay in Israel ay ka mid tahay wadammada aadka u yar ee aan qaybta ka ahayn heshiiska dhimista hubkan halista ah ee 1968-kii la saxiixay ee lagag gol lahaa kahortagga hubka Nukliyeerka.
“Si horay loogu sii socdo arrintan aad bay muhim u tahay marka la eego isku dheellitirka danaha istaraatiijiyadeed ee gobolka. Waxaan sii wadi doonnaa inaan arrintan cadaadis ku saarno [Isra’iil],” ayuu yiri Erdogan.
“Hubka Nukliyeerka ee Israa’iil waa in si aan shaki lahayn loo baaro inta aanay goori goor tahay. Waanu daba socon doonnaa arrintan. Waxa kale oo aan beesha caalamka ugu baaqayaa in aanay arrintan sii dayn.” ayuu raaciyey MW Turkigu.
In kasta oo khubaradu ay si wayn u aaminsan yihiin in Israa’iil ay sii waddo barnaamijkeeda hubka Nukliyeerka ah ee qarsoodiga ah, haddana waddankaasi ma xaqiijiyo si cadna u qirto jiritaanka barnaamijkan, xitaa haddii la rumaysan yahay in Israel ay haysato ilaa 200 oo madax ugu yaraan. Waxaase jirta arrin xaaladda sii murjiysey.
Wasiirka Dhaqanka Israel, Amihai Eliyahu, aya dood caro leh ka dhaliyey guud ahaan dunida Muslimka bishan, kaddib markii uu soo jeediyey fikrad ahayd in ”qumbulad nukliyeer ah” lagu rudo marinka Gaza.
Madaxdii horay u sheegtay in la baaro nukliyeerka Israel waxaa ka mid ahaa MW la khaarajiyey kaddibna kiiskiisa oo aan la xallin la iska xirey ee John F Kennedy kaasoo RW xilligaas ee Israel, Ben-Gurion, u sheegay in haysiga hubkan ee Israel uu yahay mid ku tumanaya heshiiska NPT isagoo soo jeediyey in baarayaal ka socd IAEA loo diro xarunta hubkan lagu tuhmayo ee Dimona.
Hadalsame Media