Taiwan oo ay kasoo bixi karto dowlad saaxiib la ah dalka Shiinaha (Sida loo qorsheeyey?)

0

(Taipei) 17 Nof 2023 – Xisbiyada mucaaradka Taiwan ee horseedka ah ayaa ku heshiiyey inay isku geeyaan cududdooda si ay ugu guulaystaan doorashada madaxtinnimo ee bisha Janaayo, iyaga oo xoojinaya taageeradooda siyaasadeed, korna u qaadaya fursadaha ay kusoo dhisi karaan dowlad saaxiib la ah Shiinaha oo laga dhisayo Taipei.

Kuomintang (KMT) iyo Xisbiga Taiwan People’s Party (TPP) ayaa sameeyey isbahaysi cusub, iyagoo ku heshiiyey inay yeeshaan hal musharrax oo madaxwayne halkii ay qaybsami lahaayeen cododadkoodu.

Waxa kale oo ay ku heshiiyeen in la dhiso dowlad wadaag ah haddii ay ku guulaystaan ​​doorashada Gasiiradda Taiwan.

“Tani waxay waqti taariikhi ah u tahay Taiwan, halkaas oo laba xisbi ay ka wada hadlayaan si ay u soo dhisaan dowlad wadaag ah,” ayuu yiri musharraxa xisbiga TPP, Ko Wen-je. “Waxaan u baahan nahay qof walba si aan uga wada shaqeeyo sidii loo gaari lahaa natiijada kama dambaysta ah.” ayuu raaciyey.

Xisbiyadu waxay soo gudbin doonaan midkood Ko ama ninka ka socda KMT ee Hou Yu-ih oo noqonaya musharraxa madaxweynennimada kaddib markay si wada jir ah u falanqeeyaan xogta codbixinta.

Qofkii kusoo baxaa doorashadan ayaa waxa uu noqon doonaa MW, halka kan kale uu qaadan doono Madaxwayne Xigeenka.

Hadalsame Media