(Pyongyang) 18 Nof 2023 – Pyongyang ayaa ka digtey jawaab celin millateri oo aad u wayn kaddib markii Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ay soo bandhigeen “istaraatijiyad kahortag ah ” oo aad u xooggan, iyagoo ku andacoonaya in Maraykanku uu sare u qaaday “khatarta Nukliyeer” ee gacanka Kuuriya.
Faallo ay baahisay Wakaaladda Wararka dhexe ee Kuuriya ee ay dowladdu maamusho (KCNA) Khamiistii, afhayeen u hadlay millateriga Pyongyang ayaa ka jawaabay wadahadallo heer sare ah oo dhexmaray Washington iyo Seoul horraantii todobaadkan.
“Falalka saraakiisha ciidamada Maraykanku… waxay si cad u muujinayaan in dembiilaha ugu wayn ee keenay sii xumaynta xaaladda gacanka Kuuriya ay tahay Maraykanka iyo taageerayaashiisa,” ayaa lagu yiri bayaanka oo tixraacaya shirarka ka dhacay caasimadda Kuuriyada Koonfureed.
Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Kuuriyada Woqooyi ay ku jawaabi doonto “awoodo badan oo weerar iyo jawaab celin isla socda ah” oo ay raacdo “tallaabooyin millateri oo muuqda.”
Pyongyang waxay sharciyaysay sharciyo iyo aragti cusub oo hubka nukliyeerka ah sanadkii hore, iyadoo ku dhawaaqday in helitaankeeda bamkii 1-aad uu ahaa “mid aan laga noqon karin,” iyadoo la fasaxay isticmaalka hubka nukliyeerka haddii xitaa laga shakiyo in weerar cadowga ka iman kara “la saadaaliyo inuu soo socdo.”
Hadalsame Media