(Tel Aviv) 17 Nof 2023 – Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ee Benjamin Netanyahu iyo “xagjiriinta” taageerta waa in laga saaro dowladda dalkaasi, ayuu soo jeediyey hoggaamiyaha mucaaradka Israel ee Yair Lapid.
Lapid, oo ah madaxa xisbiga dhexe ee Yesh Atid, oo muddo kooban lasoo shaqeeyey Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil sannadkii hore, ayaa soo saaray qoraallo taxane ah oo ku saabsan X (ex-Twitter) Khamiistii.
Beddelka Netanyahu ayaa doonaya inuu baarlamaanka ka dhex abuuro isbahaysi ballaaran oo xasilloon, oo uu hoggaamiyo xisbiga garabka midig ee Ra’iisul Wasaaraha, Likud. Kaasoo ay weheliyaan jaalasha yaryar ee midig-dhexe.
Likund waxay hadda gacanta ku hayaan 64 ka mid ah 120-ka kursi ee baarlamaanka Kneset-ka Israel, taasoo ah wax in yar ka badan 50%.
“Waqtigii ayaa la gaarey – waxaan u baahan nahay inaan dhisno dowlad dib u dhis qaran. Likud ayaana hogaamin doona, Netanyahu iyo kuwa xag-jirka ah waa la bedeli doonaa, in ka badan 90 xubnood oo Knesset-ka ka tirsan ayaa qaybsan doona isbahaysiga bogsashada iyo dib u soo celinta kalsoonida dalka.” ayuu Lapid soo jeediyey.
RW lagu dheggan yahay ayaa horraanba dab ugu taagnaa isagoo wajahayey dibedbax dadwayne ka xumaaday wax ka bedelidda dastuurka dhexe, balse wuxuu tan iyo 7-dii Oktoobar dagaalka Gaza u adeegsanayey qaab uu kursiga ku haysto.
Hadalsame Media