”Ma fiirsan doonno!” – Iiraan oo markale sheegtay war ka duwan midkii ay qortay Reuters

0

(Hadalsame) 17 Nof 2023 – Madaxa Ciidamada Quds Force ee Iran ayaa wacad ku maray inay samayn doonaan “wax kasta oo ay ku qaadato” si ay ugu taageeraan Xamaas dagaalka ay kula jiraan Israa’iil, isagoo ku andacoonaya in kooxda Falastiiniyiinta ihi ay usoo socoto “guul la yaab leh” oo ka dhacda Gaza.

Waraaq uu u diray Taliyaha Garabka Hubaysan ee Xamaas, guutada Ezzedine al-Qassam, hoggaamiyaha ciidamada Quds Esmail Qaani wuxuu ku dhawaaqay in Tehraan iyo xulafadeedu “aysan ogolaan doonin in cadowgan naxariista daran iyo kuwa garabkiisa taagani ay qabsadaan Gaza iyo dadkeeda geesiyaasha ah.”

“Waxaan samayn doonnaa wax kasta oo ay nagu qaadato dagaalkan taariikhiga ah,” ayuu yiri Qaani, isaga oo intaa ku daray in Xamaas ay “qof walba u caddeeyeen in iska caabinta Gaza ay awood ugu leeyihiin iyagoo la yimid hindise iyo hal-abuurnimo, iyada oo la ilaalinayo abaabulkeeda iyo awooddeeda goobeed.”

Reuters reported that Iran’s supreme leader, Ayatollah Ali Khamenei, had informed Hamas that his country would not get directly involved in the Gaza war.

Warkan ayaa imanaya xilli ay Khamiistii Wakaalada Wararka ee Reuters ayaa ku warrantay in hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei uu ku wargeliyey ururka Xamaas in dalkiisu uusan si toos ah ugu lug yeelan doonin dagaalka Gaza.

Taa beddelkeedana, Khamenei la sheegay inuu ballanqaaday “taageero siyaasadeed iyo mid akhlaaqeed” oo Iran ay mudda dheer siinaysey Xamaas, laakiin wuxuu meesha ka saaray faragelin millateri oo toos ah.

Hadalsame Media