Dal Afrikaan ah oo soo saaray gaarigii ugu horreeyey ee uu farsameeyo (Magacyada baabuur caan ah oo uu u dhigmo) + Sawirro

0

(Hadalsame) 17 Nof 2023 – Dal ka tirsan kuwa ugu horumarsan qaaradda Afrika ayaa soo saaray gaarigii ugu horreeyey ee si maxalli ah loo naqshadeeyey loona farsameeyey.

Shirkadda baabuurta ee Morocco ee Neo Motors ayaa bilaowday iibinta gaarigii ugu horreeyey ee waddanku soo saaro bishan, kaasoo la tartami kara qiimaha ahaan baabuurta ay ka midka yihiin Renault, Dacia iyo noocyada Shiinaha, sida ay Bloomberg soo werisey Arbacadii.

Warbixintu waxay iftiimisay in shirkaddu ay marka hore soo saari doonto 3,000 oo unug sannadkiiba oo ah nooca rakaabka oo saddex albaab leh kaasoo ku kici doona $20,000 oo Doollar.

Wax soo saarka sannadlaha ah ayaa la filayaa inuu deeto kor ugu kaco ilaa 15,000 oo baabuur sanadkiiba muddo saddex sano gudahood ah.

Agaasimaha Guud, Nassim Belkhayat, ayaa Bloomberg u sheegay in qorshayaasha shirkadda ay ku jirto inay iska diiwaangelis Suuqa Saamiyada Casablanca iyadoo NEO ay doonayso inay soo kordhiso wax soo saarka baabuurta ku shaqeeya korantada.

Baabuur-sameeyaha NEO ayaa sidoo kale wada hadallo la yeelanaya Bangiga Horumarinta Afrika taasoo ku saabsan inay hesho fursado oo maalgelineed, sida uu sheegay Maamulaha Guud.

Waxaa shirkaddan la aasaasay 2017-2018, Neo waxay doonaysaa inay waddanka Woqooyiga Afrika u rogto xarun wax soo saar iyo ganacsi oo u furan labadaba Galbeedka iyo Shiinaha, sida laga soo xigtey Bloomberg.

“Waxaan rabnaa inaan dadka u samayno baabuur, si la mid ah Volkswagen oo sidaa yeeshay qarni kahor,” ayuu yiri Belkhayat.

“Waxaan samaynay korsayeeriga, wareegga iyo nidaamka fiilooyinka korontada inta soo hartayna waxaan ka helnay 43 agab-qaybiyeyaal oo maxalli ah.” ayuu raaciyey.

Hadalsame Media