Xulka Somalia oo galabta wajaha Algeria balse saxaafadda Carbeed waxay diiradda saareen arrin kale oo ku saabsan Xulka Somali (Maxay qoreen?)

0

(Algiers) 16 Nof 2023 – Xulka Somalia ayaa galabta 16:00 GMT la ballansan Xulka Algeria kulan taariikhi ah, waayo waa markii ugu horreeysey ee ay Somalia toos uga qaybgasho isreebreebka guruubyada Koobka Adduunka abid.

Yeelkeede, waxaa jirta sheeko ay dunida, gaar ahaan warbaahinta Carbeed yara qaadqaadeen oo ku saabsan daafac dambeedka ka ciyaara oo ka baxsaday xulka Somalia, si uu Yurub ugu tahriibo, arrintan oo keeni doonta in aan xiddigo laga soo xulin gudaha dalka.

Si kastaba, warbaahinta Carbeed ayaa cinwaanno camirasho iyo runba iskugu jira ka sameeyey arrintaasi, haddii aan qaar soo qaadanno:

Al Jazeera qaybga Carabiga ayaa qortay: ”Ciyaaryahan Soomaali ah oo ku baxsaday “Doomaha dhimashada” ee dhanka Yurub aada kahor inta uusan wajahin Algeria.

Al Akhbaar ayaa qoray: ”Ma sawiran kartid waxa ka dhacay Xulka Somalia kahor kulanka Algeria.”

Shaaricu Ruwaawaat ayaa qoray: Cinwaan u qaab eg midka Al Jazeera ee sheegay ”doomaha dhimashada.”

Khaleem Mubasher, Al Cumqu Riyaadii, Bonjour Papel iyo warqaadyo kale ayaa iyana wax ka qoray wiilka ka baxsaday Xulkeenna Ocean Stars.

Si kastaba, waxaa horay laacibiin uga baxsadeen dalka Jabuuti oo ay 8-0 dirtay isla Algeria, halka Eritrea ay gebi ahaanba iskaga hartay isreebreebka iyadoo ka baqanaysa inay xiddiguhu baxsadaan.

Halkan ka arag qoraallada saxaafadda Carbeed..

Hadalsame Media