(Ankara) 16 Nof 2023 – In remarks on Wednesday to the ruling Justice and Development Party (AK Party) parliamentary group meeting in Ankara, Erdogan also challenged Netanyahu to reveal whether Israel possesses nuclear weapons, before adding that such an arsenal won’t help the embattled prime minister anyway.
Madaxwaynaha Turkiga ee Recep Tayyip Erdogan ayaa Israa’iil ku tilmaamay “dal argagaxiso” oo “xasuuq” ka wada Gaza, wuxuuna ku andacoodey in Ra’iisul Wasaaraha dalkaas, Benjamin Netanyahu uu yahay ‘mid aan sii joogaynin saaxada siyaasadda’.
Hadal uu Arbacadii u jeediyey xisbiga talada haya ee Caddaaladda iyo Horumarka (AK Party) ee ku jira Golaha Baarlamaanka ee Ankara, Erdogan ayaa sidoo kale ku tartarsiiyey Netanyahu inuu daaha ka qaado in Israa’iil haysato hub nukliyeer ah, kahor inta uusan intaa ku darin in hubka noocaas ahi uusan sinaba u caawin doonin Ra’iisul Wasaarahan cadaadisku haysto, si kastaba.
Erdogan ayaa dhowr weerar oo shakhsi ah ku qaaday hoggaamiyaha Israa’iil, isagoo ku andacoonaya in Netanyahu ay khasab ku tahay inuu xilkiisa waayo si kasta oo ay noqoto ama ku dhammaato colaadda Gaza.
“Waxaan aragnaa Netanyahu oo ay garab taagan yihiin wasiirro intii uu shirarkiisa jaraa’id ku guda jirey. Wuxuu u malaynayaa in wasiiradani ay badbaadin doonaan. Netenyahu waa ku daayey’, “ayuu yiri Erdogan.
”Israel wuxuu ku dheggan tahay istaraatijiyad ku dhisan burburin wadareed ee magaalo dhan iyo dadkeeda (Qasa). Waxay si arxan darro ah u baabi’inaysaa dad rayid ah iyadoo si bareer ah u duqaynaysa dadka rayidka ah ee baxsanaya. Waxaan si cad oo iga daacad ah u sheegayaa in Israa’iil ay tahay waddan argagixiso ah.” ayuu yiri.
Turkigu waxa uu “ka shaqayn doonaa sidii uu kiiskan u horgayn lahaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda,” ayuu yiri Erdogan, isaga oo markale ku celiyey hanjabaaddii Ankara ee ahayd inay dacwad u gudbinayso hay’addaasi.
Yeelkeede, Turkigu si toos ah uma samayn karo arrintaas, iyadoo la tixgelinayo in uusan weligiis ansixin heshiiskii Roma (Rome Statute) ee lagu aasaasay maxkamaddan, misna wuxuu leeyahay saamayn kooban oo uu hay’adaha dowladda iyo NGO-yadu ay ku wargelin karaan xafiiska xeer ilaalinta” ICC dembiyada laga galay Qasa iyagoo codsan kara in la baaro, sida ay sheegtay warbaahinta Turkigu.
Hadalsame Media