(São Paulo) 16 Nof 2023 – Goolhaye Cassio Ramos oo ah goolhayaha kooxda Corinthians ee dalka Brazil ayaa sameeyey cinwaanno waawayn oo ku saabsan fikirkiisa deg dega ah iyo cabqariyaddiisa isbuucaan – laakiin ma ahan markii ugu horreeysey ee xirfaddiisa ciyaareed ee uu falo sidan oo kale.
Goolhayaha Corinthians ee Cassio ayaa si cajiib ah oo deg deg badan u fikiray intii lagu jirey kulankii ay barbarraha kooxdiisu la gashay Atletico Mineiro ciyaar ka dhacday Brazil Serie A.
Ciyaarta oo barbarro 1-1 ah ayna ka harsan tahay 15-daqiiqo ayaa Mineiro laad xor ah loo dhigay bartamihii qaybta garoonka ee kooxda Corinthians waxaana kubadd loo laaday dhanka goolka.
Cassio ayaa u muuqdey mid kubbada qaban doona, laakiin ilbiriqsigii ugu dambeeyey ayuu ka leexday si uu ugu ogolaado inay si toos ah u gasho goolkiisa dhib la’aan.
Yeelkeede, goolkaasi lama xisaabin. Sabab? Maxaa yeelay waxay kubaddu ahayd laad xor ah oo aan toos ahayn (indirect free-kick), laakiin laacibka soo tuuray ma ahane qof kale ma taabanin kubadda.
Laadka xorta ah ee aan tooska ahayn waa inay taabtaan laba ciyaartoy kahor inta lagu tooganin shabaqa kooxda lidka ah, balse taasi markan ma dhicin. Waxaana laacibiinta labada koox oo wada yaabban arrintii sharraxay garsooraha oo laad-gool ku abaalmariyey Cassio kooxdiisa, halkii ay Maniero gool sugaysey.
1000 IQ CÁSSIO 🧠#VivaJogoBonito 😍 pic.twitter.com/VbDKAfiiQQ
— Brasileirão Play EN (@BrasileiraoP_EN) November 10, 2023
Hadalsame Media