Gabar Soomaali ah oo lagu diley dalka Turkiga & Ninkeeda oo tuhun loo qabtay (Daawo)

0

(Hadalsame) 16 Nof 2023 – Ayaan Mohomed Dhoba oo ah gabar 26-jir ah oo asal ahaan kasoo jeedda Somalia ayaa lagu diley dalka Turkiga.

Gabadhan oo haysata dhalashada Dalka UK ayaa maydkeeda laga helay hoteel ay ka deganayd magaalada loo dalxiis tago ee Istanbul.

Yeelkeede, Ahmed oo ah Ayaan ninkeeda ayaa lagu tuhmayaa inuu ka dambeeyey dilka xaaskiisa sida ay sheegeen qaybta dembi-baarista ee Booliiska Turkiga.

Ahmed ayaa la sheegay inuu xaaskiisa dalxiis ahaan u keenay dalka turkiga iyagoo ka tegey dalka Britain.

Waxaa la arkayey booliiska oo qadaanqadinaya Ahmed oo laga soo qabtay halkii uu ku dhuumanayey.

Hadalsame Media