(Hadalsame) 16 Nof 2023 – Ayaan Mohomed Dhoba oo ah gabar 26-jir ah oo asal ahaan kasoo jeedda Somalia ayaa lagu diley dalka Turkiga.
Gabadhan oo haysata dhalashada Dalka UK ayaa maydkeeda laga helay hoteel ay ka deganayd magaalada loo dalxiis tago ee Istanbul.
Yeelkeede, Ahmed oo ah Ayaan ninkeeda ayaa lagu tuhmayaa inuu ka dambeeyey dilka xaaskiisa sida ay sheegeen qaybta dembi-baarista ee Booliiska Turkiga.
Ha yeeshee, war kale ayaa ka daba yimid sawirka lagu faafiyey Sondakika ee lagu sheegay in lagu diley Istanbul, waloow uu jiro kiiska dilka ihi.
Warbaahinta Turkiga ayaa si khaldan u adeegsatey sawirka idiin muuqda . Gabadha la dilayna ma ahan gabadha sawirkeeda lagu daabacay warbaahinta SONDAKIKA ee Dalka Turkiga, sida uu soo hubiyey weriye Salmaan Jamaal.
Gabadha sawirkeeda la adeegsadey ayaa ku nool dalka Canada waxayna sheegtay in si khaldan loo isticmaalay sawirkeeda oo iyada lagu magacabo Ayaan Shariif.
Halka gabadha la diley lagu magacaabo Ayaan Mohamed Dhobo oo ahaa magacii horay loo baahiyey.
Hadalsame Media