Florenzi oo noqday laacibkii ugu dambeeyey ee Talyaani ah oo lagu furo baaris ku saabsan khamaarka ruxaya Serie A

0

(Milano) 16 Nof 2023 – Daafaca kooxda AC Milan ee Alessandro Florenzi ayaa lagu soo warramayaa inuu noqday ciyaaryahankii ugu dambeeyey ee Talyaani ah oo ay mas’uuliyiintu baaritaan ku sameeyaan arrimo la xiriira khamaarka sharci darrada ah.

Florenzi ayaa hortegi doona Maxkamadda Cadaaladda Ciyaaraha ee Torino, iyadoo waloow aan weli la faahfaahin qaybta uu arrintan kaga jiro misna la fahamsan yahay in dembiga loo haystaa aanu sidaa u waynayn oo uu ku ekaan karo ganaax lacageed oo qura.

Kubadda cagta Talyaaniga ayaa waxaa ruxay fadeexad bishii hore kaddib markii Sandro Tonali, Nicolo Fagioli iyo Nicolo Zaniol lagu bilaabay baaritaan ay sameeyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Talyaaniga iyo Xiriirka Kubadda Cagta Talyaaniga (FIGC) kuwaasoo lagu eedeeyey khamaar sharci darro ah.

Tonali iyo Fagioli ayaa labadoodaba tan iyo markii la ganaaxay 10 bilood iyo toddobo bilood, siday u kala horreeyaan kaddib markii ay heshiisyo qirasho ah la galeen xiriirka FIGC, iyadoo Tonali lagu soo warramayo inuu qirtay inuu sharad ku galay ciyaaro ay ku lug lahayd kooxdiisii ​​hore ee AC Milan, waloow uusan markaas kooxda u ciyaarayn, taasoo dembi aad u wayn ahaan lahayd.

Dhanka kale, Zaniolo looma malaynayo inuu raadinayo gorgortan qirasho ah, wuxuuna taa beddelkeeda doonayaa in si buuxda looga sii daayo dhammaan eedaha loo haysto.

Laacibkii hore ee AS Roma ayaa la sheegay inuu ku adkaysanayo inuu kaliya sharad ku galay ciyaaraha khamaarka online-ka ah iyo ciyaaraha blackjack – taasoo aan kahor imanayn Xeerka Caddaaladda Ciyaaraha.

Meanwhile, Zaniolo is not thought to be seeking a plea bargain, and will instead be looking for a full acquittal.  The former Roma player is said to be adamant that he only placed bets on online poker and blackjack games – which is not in contravention of the Sports Justice Code.

Hadalsame Media