(Washington, DC) 14 Nof 2023 – Faahfaahin cusub oo ku saabsan xirmo kookayn ah oo laga helay Aqalka Cad xagaagii hore ayaa waxaa daabacay wargayska Ingiriiska kasoo baxa ee Daily Mail, kaasoo helay dukomentiyo iyo sawirro isaga oo maraya codsi uu ku dhiibtey hannaanka Xeerka Xoriyadda Macluumaadka oo ay warbaahintu ku dalban karaan xogaha ay dowladuhu hayaan ee aan sirta ahayn.
Xirmadan oo laga helay sanduuqa talefoonnada ee West Wing taariikhdu markii ay ahayd 2-dii bishii Luulyo, ayaa dhalisay fadeexad kaddib markii baaritaan la sameeyay lagu guuldarraystay in lagu ogaado dembiilaha arrintan ka dambeeya.
Waxa kale oo jirtey dhinac siyaasadeed. Hunter Biden, oo ah wiilka Madaxwayne Joe Biden, ayaa buug xusuus-qor ah ku faahfaahiyey hardankiisii hore ee uu la galay balwad uu lahaa. Labadaba Biden iyo Hunter ayaase waxay ku maqnaayeen usbuuca-dhammaad fasax ah meesha lagu nasto ee Camp David, Maryland, markii daroogadan la helayey.
Daily Mail ayaa soo weriyey faahfaahin ku saabsan falcelinta ay arrintan ka samaysay Hay’adda Adeegga Qarsoon ee USSS oo ku qaybsan ilaalinta madaxda Maraykanka, taasoo ay ku jiraan xiriirka saxaafadda iyo ku lug lahaanshaha wakaaladaha kale ee DF.
DM ayaa soo bandhigay sawirrada iyadoo kiiskani uu iminka si rasmi ah u xiran yahay kaddib markii ay USSS waydey marqaati iyo cadaymo ku filan cidda keentay Aqalka Cad ee looga taliyo Maraykanka.
We can exclusively reveal at Daily Mail the first images of the White House cubby where cocaine was found in July in a West Wing processing room.
The case remains unsolved after the US Secret Service closed it after just two weeks due to ‘lack of evidence.’ pic.twitter.com/jPwaFHrSyx
— Katelyn Caralle (@Katelyn_Caralle) November 13, 2023
Hadalsame Media