(Hadalsame) 15 Nof 2023 – Waxaa lasoo saaray liiska dalalka ugu dembiyada badan qaaradda Afrika sanadkan 2023, kaasoo ay hoggaanka u hayso South Africa.
Yeelkeede, waxaan ka fogayn oo kaalinta 2-aad la geliyey dalka Somalia, halka ay 3-aad ku jirto Nigeria.
Dad badan ayaa se dood ka qaba qiimayntan, waayo tiiyoo ay dhab tahay in Somalia aysan ammaan ahaan sugnayn misna kama dhacaan dembiyada ka dhaca dalalka sidii sandwich la dhexgeliyey ee SA iyo Nigeria.
Tusaale, ahaan SA si joogto ah ayaa loo dhacaa suuqyada dadkana loogu laaya, sidoo kale waxaa la dhacaa gawaarida lacagaha daabula ee aadka loo ilaaliyo. Waxaa kale oo caadi ah in bililiqo loo taago haddii uu gaari xamuul ahi jidka ku xumaado ama ku gaddoomo.
Dhanka kale, Nigeria waa dal ka mid ah kuwa dunida ugu horreeya dembiya abaabulan, samaynta been abuurka wax lagu dhaco sida haybta qofka oo la adeegsado (identity theft), sixirka, ka shaqaysiga koontarobaanka, foojariga IWM.
Halkan ka eeg liiska 2023 oo dhan:
1. South Africa: 75.5 2.
2. Somalia: 66.7 3.
3. Nigeria: 65.8 4.
4. Angola: 65.8 5.
5. Namibia: 64.6
6.Cameroon: 64.2
7. Mozambique: 63.7
8. Zimbabwe: 60.6
9. Libya: 60.4
10. Ivory Coast: 57.5
Ranking of African countries according to the crime index 2023:
1. South Africa: 🇿🇦75.5
2. Somalia: 🇸🇴66.7
3. Nigeria: 🇳🇬65.8
4. Angola: 🇦🇴65.8
5. Namibia: 🇳🇦64.6
6.Cameroon: 🇨🇲64.2
7. Mozambique: 🇲🇿63.7
8. Zimbabwe: 🇿🇼60.6
9. Libya: 🇱🇾60.4
10. Ivory Coast: 🇨🇮57.5#numbers #أرقام— Numbers (@arqam010) November 15, 2023
Hadalsame Media