(Riyaad) 15 Nof 2023 – Laacibka shanta jeer ku guulaystey Ballon d’Or ee CR7 ayaa heshiis ku kacaya £177-milyan oo gini la galay kooxda ka dheesha Horyaalka Saudi Pro League ee Al Nassr wax yar sanad kahor.
Wareegista Ronie ayaa la xaqiijiyey 30-kii Disembar kaddib markii qandaraaskii Ronaldo ee Manchester United lagu fasaqay heshiis labada dhinac ah goortii ay isku dhaceen isaga iyo macallinka Erik ten Hag.
HADDABA IMISA AYUU SHAQAYSTAY ILAA XILLIGAA? Ronaldo waxa uu guriga Al Nassr ka qaataa adduun dhan £3,403,846 todobaadkii oo kaliya, waxaana la sheegay inay haatan oo ay ku beegan tahay sannad-guuradii 1-aad ee kasoo wareegatey markii uu Sucuudiga yimid, uu 38 jirkani urursaday adduun dhan £153 milyan oo gini.
Gooldhaliyaha ugu rikoodhka sarreeya Real Madrid ayaa sidoo kale ah ciyaaryahanka ugu mushaharka badan kubbada cagta adduunka marka loo eego farqiga aadka u badan, iyada oo xisaabta lagu darayo dakhliga iidhehda kasoo gala ee aan caadiga ahayn ee mushaarkiisa ka baxsan.
Hadalsame Media