(Hadalsame) 15 Nof 2023 – Sawirro lagu qaaday dayax-gacmeedka ayaa muujinaya dhisme uu Ruushku si qarsoodi ah ugu samaynayo wershad si wayn u soo saari doonta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Kamikaze-ga ee Iran oo ah kuwa ay Moscow uga caana maashay xarumaha tamarta ee Ukraine, sida ay qortay VOA News.
In kasta oo ay heerkan marayso, haddana Maraykanka iyo xulafadiisa midkoodna cunaqabatayn kuma soo rogin milkiilaha wershaddan, JSC Alabuga, ama shirkadaha la shaqaysta, ayuu lagu yiri warbixinta Machadka Sayniska iyo Amniga Caalamiga ah.
Aqalka Cad, Safaaradda Ruushka iyo ergada Iran ee Qaramada MidooEay ayaan midkoodna ka jawaabin codsiyo ku aaddan inay arrintan faallo ka bixiyaan.
Warbixintu waxay sheegtay in bartamihii Sebtembar sawirka dayax-gacmeedka ee la qaaday uu muujinayo in dhismaha cusub ee wershaddani uu “si toos ah” ula xiriiro dhisme uu horay wax uga qoray wargayska Washington Post horraantii sanadkan.
Dhismaha, sida laga soo xigtey dukumentiyada kale ee la dusiyey, waxaa loo isticmaali doonaa wax soo saarka ballaaran ee daroonka is miidaamiya ee Iran ee Shahed-136 taasoo ay ku jiraan hagaajinta hababka farsamada Iran “iyo ugu dambayntii horumarinta awoodda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn” ee dalkani soo saaro, ayaa lagu yiri warbixinta.
Sawirka dayax-gacmeedka ayaa sidoo kale muujinaya dhismayaal kale iyo xayndaabyo amni oo cusub oo leh isbaarooyin laga gudbayo, ayay tiri warbixintu.
Iran ayaa daroonnadan awal iskeed u samaynaysey iyadoo ugu deeqday Ruushka oo ay si wayn uga anfaceen dagaalka uu ku qaaday Ukraine, balse Ruushka oo abaalkaa celinaya ayaa u muuqda inuu farsamooyin ka maqan daroonnadan haatan ku darayo.
Hadalsame Media