(Addis Ababa) 14 Nof 2023 – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa mar kale ka hadlay qorshaha ay badda ku raadinayso Itooviya. Abiy ayaana u sheegay sharci-dejiyayaasha in 30 sano kahor ay Itoobiya lahayd milkiilaha laba dekedood, xilligaasi oo ay dhamayd ku dhowaad 46 – 47 milyan oo qof, iyo qiyaastii 10, 12, 13 bilyan oo GDP ah.
30 sano kaddib, maqaamkii Itoobiya waxaa hoos loogu dhigay adeegsiga laba dekedood oo ku kala yaalla Jabuuti iyo Casab, iyadoo loo marayo shuruuc ganacsi iyo heshiisyo ay la gasho dalalka ay khusayso.
Isagoo dhinaca kale muujiyey sida ay shacabka Itoobiya iyo dowladduba uga mahadcelinayaan taageerada ay u hayaan shacabka Jabuuti ee ku aaddan in dekeddoodu ay noqoto mid ay adeegsadaan, misna wuxuu yiri “waxaan rabnaa in Jabuuti iyo dalalka kale ay fahmaan cabsida aan qabno”.
Waxa uu soo hadal qaaday wararkii ugu dambeeyey ee gantaalihii ka imaanayey Yemen, oo kaliya qiyaastii 28, 29 km oo badda ah u jirta Jabuuti, isagoo xitaa sheegay inaysan micne samaynayn in saldhigyada dalkeeda ku yaalla ay iyadu ogoshahay iyo in kale.
”Haddii ay quwadaha waawayn ee halkaas ku sugani ay xabbado u ridaan xeryaha dhinaca kale ku yaalla, waxay Itoobiya oo ah dal ay ku nool yihiin 120 milyan oo qof ka dhigaysaa mid aan haysan wax doorasho ah,” ayuu ku dooday Abiy oo macnaynaya sababta ay bad u doonayaan, isagoo weliba si cad u qayaxay sababta ay ciidan bad u samaysteen.
Isagoo dhaleeceynaya dadkii sheegay inuu jiro ajende cusub oo ka dambeeya ciidanka badda ee Itoobiya, Ra’iisul Wasaaraha ayaa isagoo jeesjeesaya yiri: “Waxaan u malaynayaa inay maqnaayeen markii aan dhisayney Ciidanka Badda ama iyagu ma lahayn YouTube-yo;
”Markii aan dhisayney ciidan badeed, waxaa cad in ajande kale uusan jirin, waxaan ula jeedney inaan u baahanahay bad; ajanduhu waa cad yahay,” ayuu yiri, isaga oo tixraacaya arrinta aan aadka looga hadlin ee diyaarinta Ciidanka Badda Itoobiya.
RW Abiy ayaa meesha ka saaray wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan colaad ka qaraxda Geeska Afrika ama kusoo fool leh, wuxuu yiri “Itoobiya wax dan ah uguma jirto inay xabbad qura ku riddo Ereteriya, Soomaaliya, Jabuuti, Kenya ama waddan kale oo deriska ah; mana jirto wax su’aal ah oo aan gelinayno madaxbannaanida waddan kale.”
“Waxa aanu leenahay waxa aanu haysanaa diyaarada ugu wanaagsan Afrika, aan wadaagno, si aad noola wadaagtaan biyaha; biyo xireenka koowaad ee Afrika ayaanu samaynay, aynu wadaagno si aad noola wadaagtaan [biyaha]; dhaqaalihiina dhibbaa haysta, sida dhaqaalaheenna, markaa aynu isu nimaadno oo aynu wada korno.” ayuu soo jeediyey. Halkan kasii aqri…
Hadalsame Media