Diyaarad ku khasbanaatay inay dhaqse u degto kaddib markii uu faras ku dhex baxsaday (Dhegeyso)

0

(New York) 14 Nof 2023 –  Duullimaadyada adduunka ayaa marar badan ku khasbanaada inay weecdaan oo ay sababo badan dartood dib ugu laabtaan garoonkii ay kasoo duuleen.

Mararka qaarkood waa xaalad deg deg ah oo caafimaad, kuwa kale waxay noqon karaan arrimo farsamo ama cillad ama si fudud cimilada awgeed.

Kiiskii ugu yaabka badnaa ee dhowaan dhacay, waxaa sabab u ahaa “nin ku dhex shubmay diyaaradda”. Yeelkeede duullimaad kale oo ka tallaabayey Badda Atlaantigga ayaa dhowaantan dib ugu laabtay garoonkii uu kasoo baxay, kaddib markii uu faras ku dhex baxsaday qaybta xamuulka.

Shilka ayaa qabsaday diyaarad ay leedahay shirkadda Air Atlanta Icelandic oo ah nooca Boeing 747 oo kasoo duushay garoonka diyaaradaha ee JFK ee New York kuna wajahneyd magaalada Liege ee Belgium, markii duuliyihii uu wacday maamulka hawada ee magaalada Boston.

Codadkii ay is dhaafsanayeen Waaxda Koontoroolka Hawada Boston iyo duuliyihii diyaaradda ayaa lasoo dhiy kanaalka YouTube, waxaana la maqlayaa iyagoo leh: “Waxaan nahay diyaarad xamuul ah; waxaa diyaaradda ku fakaday xayawaan nool… faras baa diyaarada saaran.

“Farasku waxa uu ka baxsaday cooshaddiisii. Dhib kuma qabno duulista, laakiin waxaan u baahan nahay inaan ku laabanno New York; si faraska loogu xiro si ammaan ah.”

Hadalsame Media