DEG DEG: Maamulka SSC oo war rasmi ah kasoo saaray wararka sheegayey in laga saaray ciyaaraha Maamullada

0

(Laascaanood) 14 Nof 2023 – Maamulka SSC-Khaatumo ayaa war cusub ka soo saaray warar sheegayey in laga reebay Koobka Maamul-goboleedyada Soomaaliya.

WAR-SAXAAFADEED:

Xoghayaha Arrimaha Bulshada SSC-Khaatumo Dr. Yusuf Saleeban Sancad waxa u caddaynayaa qodobada soo socda:-

1. Ugu horreeyn, Waxaan ogaysiinaynaa Bulshada Soomaliyeed iyo Shacabka SSC-Khaatumo in Wasaaradda Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha JFS iyo Xidhiidhkuba ay dedaal weyn ku bixiyeen sidii SSC-Khaatumo uga qaybgeli lahayd Tartanka Kubadda Cagta ee ka furmi doona Caasimadda Muqdisho.

2. Marka xigta, ma jirto war Rasmi ah oo naga soo gaadhay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JFS, islamarkaana waxaanu ku guda jirnaa diyaar garowgii aanu kaga qaybgeli geli lahayn tartanka, anagoona rajaynayna inaanu guul ka keeni doonno.

3. Ugu danbayn, Waxaan ku boorrinayaa  Xulka Kubadda Cagta SSC-Khaatumo in ay sii labanlaabaan dedaalka iyo diyaargarowga jidheed iyo maskaxeed ee ay ugu jiraan ka qaybgalka tartanka iyo hanashada Koobkaba. Islamarkaana aysan ku mashquulin wararka iyo dacaayadaha aysan waxba ka jirin,  kuna kalsoonaadaan Maamulkooda.

Xogahayaha Arrimaha Bulshada
Dr. Yusuf Saleban Sancad

Hadalsame Media