(Hadalsame) 13 Nof 2023 – Daafaca Federico Dimarco ayaa u dhaliyey kooxda Inter Milan gool aad looga qayliyey oo lagu sheegay midkii xilli ciyaareedkan kaddib markii uu saxiixay goolkii furitaanka ee qaybtii hore ee kulankii Frosinone.
Inter ayaa dib u soo ceshatey booskeeda hoggaanka horyaalka Serie A kaddib markii ay 2-0 ku badisay, waxaana goolka 1-aad u dhaliyey Dimarco taasoo u xaartey wadada guusha.
Daafaca reer Talyaani ayaa kaliya dhaliyey sideed gool in ka badan 100 kulan oo uu u saftay Inter kahor shaqo todobaad dhammaadkan iyadoo goolkani uu si fudud u noqon karo xulashada ugu fiican ee goolka sanadka.
Waxaa dhaqaaqa soo bilaabay laacibkii hore ee Man United iyo Arsenal ee khadka dhexe ee Henrikh Mkhitaryan kaasoo kubadda oo uu dhexda kasoo qaaday ku sallimay Dimarco oo isna si lama filaan ah dhexda ka toogtey goosha Frosinone.
WHAT AN UNBELIEVABLE GOAL! 🤯🚨
An early contender for goal of the season from Inter’s Federico Dimarco TAKE A BOW! 👏 pic.twitter.com/eOtxxuxD4i
— Football on TNT Sports (@footballontnt) November 12, 2023
Hadalsame Media