(Canberra) 12 Nof 2023 – Dowladda Australia ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay magangelyo siiso dhammaan dadka ku nool gasiiradda Tuvalu, oo ah waddan ku yaal Baasifigga hoose oo loo arko inay halis ugu jiraan inay hafiyaan biyaha badda oo sare u kacaya awgood.
Ra’iisal Wasaare, Anthony Albanese, ayaa sidaa kaga dhawaaqay shirkii Hoggaamiyaasha Madasha Jasiiradaha Baasifiga ee ku qabsoomay Jasiiradaha Cook Islands.
Sida ku cad axdi ay kala saxiixeen labada quruumood, Australia waxaa ka go’an inay kaalmo siiso Tuvalu “iyaga oo ka jawaabaya masiibooyinka dabiici ah ee waawayn, masiibooyinka caafimaad iyo gardarrooyinka millateri,” iyo in deganansho rasmi ah ama iqaamooyin la siiyo dadka Tuvaluans-ka ee tegeya Australia. Waxaa lagu bilaabi doonaa 280 qof sanadkii.
Albanese waxa uu tillaabadaas ugu yeeray “heshiiskii ugu muhiimsanaa ee u dhexeeya Australia iyo jasiiradda Baasifigga ee dhaca abid.”
Tuvalu waa qaran yar oo ka kooban sagaal jasiiradood oo hooseeya oo ku yaal koonfur-galbeed ee Badwaynta Baasifigga meel u dhexaysa Australia iyo Hawaii. Waxay leedahay bedkguud oo aan ka badnayn 26 kiiloomitir oo laba jibbaaran, dadkeeduna waa 11,426 oo qof.
Sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobey ugu qaybsan horumarinta ee UNDP, bar ka mid ah caasimadda dalkaasi ee Funafuti, ayaa la filayaa inay daadadku qaadaan oo ay baddu la tagto marka la gaaro sannadka 2050-ka, haddii Alle ka dhigo.
Somalia oo ay dadku dabaqaan hab-dhaqanno aan degaanka caawinaynin sida in geedaha la jaro iyo ajende qaran oo aan jirin IWM, ayaa ka mid ah dalalka haatan u nugul musiibiiyinka dabiiciga ah iyadoo u dhaxaysa abaaro iyo daadad.
Hadalsame Media