(Hadalsame) 10 Nof 2023 – Guryo ay dowladdu kharashkooda kafaalo qaadday ayaa lagu wadaa in qoysaska la siiyo haddii ay dhalaan ilmo saddexaad, ayay tiri afhayeenka Aqalka Sare ee baarlamaanka Ruushka, Valentina Matvienko.
Iyadoo ka hadlaysa fadhi uu yeeshay Golaha Federaalku Khamiistii, xildhibaankan sare ayaa keentay siyaasad ay u dejisey St Petersburg, halkaasoo ay kasoo noqotay Duqda Magaalada 2000-meeyadii.
“Isla marka uu ilmo saddexaad dhasho, qoyska ayaa la diiwaangelin doonaa, wax ka yar hal sano kaddibna waxay ka heli doonaan guri ay siinayso dowladdu,” ayay u sheegtay senatarrada kale.
Waxay sheegtay in la qaadi doono habab la mid ah oo lagu cusboonaysiinayo xaaladaha guryaha taasoo loosoo bandhigi karo si heer qaran ah, ayna suurtogal tahay inay ku jiraan qiimo dhimis.
“Taageeridda qoysaska leh caruurta badan waa inay mudnaanta koowaad u ahaataa dowladda,” ayay ku boorrisay.
“Ogaanshaha hubaasha ah in guri cusub lagu siin doono marka ilmaha saddexaad uu kuu dhasho waxay noqon kartaa qodob muhim ah marka ay timaado doorashada in carruur mid ka badan la dhalo si ka duwan sidii markii hore la qorsheeyey.” Ayay Matvienko ku doodday.
Mas’uulkan ayaa ku tilmaantay xaaladda tirakoobka dadka ee dalku inay hadda ku sugan tahay jawi adag, sababtoo ah wadarta heerka bacriminta ayaa sii yaraanaysa.
Tusaale, qaybtii hore ee 2023 oo kaliya, waxay hoos u dhacday 3%, sida ay Matvienko tilmaantay.
Sidoo kale, Hay’adda Tirakoobka Qaranka ee Rosstat, ayaa ogaatey in dadka dalkaasi (marka laga reebo gobollada cusub ee ay Ukraine ka dheceen) la filayo inay hoos u dhacaan in ka badan 7.6 milyan oo qof bisha Janaayo 2046-ka, sida la qiyaasayo.
Waxay la micne tahay in qoyskiiba ay dhalayaan wax ka yar celcelis ahaan 10.3 carruur ah, taasoo wax aad u yar ka badan 1 cunug qoyskiiba.
Hadalsame Media