(Moscow) 10 Nof 2023 – Dalka Ruushka ayaa ku dhawaaqay dalka ugu dhow ee ay saaxiibka ama xaliifka yihiin, mana aha dalka ay dad badani moodi karaan.
Xiriirka u dhexeeya Ruushka iyo Kazakhstan ayaa ah tusaale wanaagsan oo u taagan waxa uu yahay isbahaysi dhow, kaasoo si wayna faa’iido ugu leh shucuubta labada dal, sida uu sheegay Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin mar uu wadahadal kula yeeshay dhiggiisa Kazakhstan, Kassym-Jomart Tokayev, magaalada Astana Khamiistii.
“Annagu ma nihin xulafo oo keliya, balse waxaan nahay asxaabta isugu dhow. Xiriirkani waxa uu kobcayey sannado badan,” ayuu yiri hoggaamiyaha Ruushku, isaga oo ammaanay doorka shakhsi ahaaneed ee Tokayev ka qaatay kobcinta xiriirkan.
Putin ayaa booqanaya caasimadda Kazakhstan ee Astana ku dhowaad toban sano kaddib markii ay labada dal kala saxiixdeen heshiis muhim ah oo ku saabsan xiriirka derisnimo.
MW Tokayev waxa uu isna ka hadlay saaxiibtinnimada, taariikhda ay wadaagaan iyo midnimada ruuxiga ah ee labada dal, isaga oo ku tilmaamay xiriirkan “khasnada ugu wayn” dalkiisa.
Labada hoggaamiye ayaa muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin sida uu u kobcayo xiriirka dhaqaale, diblomaasiyadeed iyo bini’aadminnimo ee ka dhexeeya labadan Jamhuuriyadood oo horay uga wada tirsanaa Soofiyeetkii burburay.
Labada dal ayaa sidoo kale leh xiriir istaraatiji ah. Tusaale, dalka Ruushka ayaa magaalada Baikonur ee dalka Kazakhstan ku leh saldhigga Hawad Sare ee caalamka ugu ballaaran bed ahaan, halkaasoo uu ka gano dayax-gacmeedyada.