Maraykanka oo qirtay in Xuutiyiinta oo kasoo rideen diyaarad dagaal (Daawo)

0

(Sanca) O9 Nof 2023 – Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka ayaa lasoo riday xilli ay ka howlgalaysey xeebaha Yemen Arbacadii, sida ay saraakiil aan la magacaabin u sheegeen warbaahinno badan.

Maleeshiyada hubaysan ee Xuutiyiinta ayaa horay wacad ugu martay inay Israel ku weerari doonaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalo si ay uga dhiidhiyaan dagaalka ka socdo Qasa.

Diyaaraddan oo nooceedu ahaa MQ-9 Reaper ayaa lagusoo riday hawada caalamiga ah, sida ay saraakiishu sheegeen, iyagoo xusay in Taliska Dhexe ee Maraykanky uu hadda baarayo shilkan.

“Waxaan xaqiijin karnaa in diyaarad millateri oo ah MQ-9 oo meel fog laga hagayey ay ciidamada Xuuthiyiintu kusoo rideen xeebaha Yemen.” ayuu sarkaal ka tirsan Pentagon-ka u sheegay ABC News.

Kooxda ayaa sidoo kale faafisay muuqaallo ay ku andacoonayaan inay muujinayeen weerarka, halkaas oo la arkayey gantaal difaaca cirka ah oo ku dhacaya diyaaradda kaddibna ololinaya.

Hadalsame Media