”Imaaraadku miyay garaacaan Madaxwaynaha?!” – Dood ka bilaabatay baraha bulshada (Arrimo dhowr ah oo tuhunka keenaya)

0

(Abuu Dabeey) 09 Nof 2023 – MW Xasan Sheekh ayaa beryahan ku sugnaa dalka Imaaraadka Carabta tiiyoo aan xog badan laga haynin waxa uu halkaa ka hayey.

Haatan ayay Wakaaladda Wararka SONNA waxay faafisay wacaal daray ah oo ku saabsan inuu halkaa ku galay qalliin garabka ah.

Lama faahfaahin waxa laga qalay, balse waxaa qoraalka lagu xusay inuu usii socdo shirka Carabta iyo Afrika ee ka dhacaya Riyaad.

Yeelkeede, baraha bulshada ayaa waxaa ka bilaabatay dood ku saabsan madmadow ku hareereeysan xiriirka MW Somalia iyo Imaaraadka Carabta oo uu marar badan ku maqnaado tiiyoo aan la sharrixin waxa uu jiro sida mar xilli dambe la sheegay inuu ku dhacay Covid-19 iyo hadda oo qalliin garabka ah la sheegay hal todobaad ka badan kaddib.

Cabdirisaaq Terra oo aalaaba dhaliila nidaamka haatan jira ayaa keenay su’aalahan:

”Sanadkii hore mar ku beegneyd bishii Juun oo ay bil uun kasoo wareegatay caleema saarkiisa, Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa kasoo laabtay dalka Imaaraadka isagoo dhaawac la arki karo ka qaba isha bidix. Agaasimihiisa Madaxtooyadu wuxuu ka jabnaa gacanta midig iyo 3 farood,” ayuu ku bilaabay.

”Madaxwaynaha ayaa maanta kasoo laabtay booqasho 8 maalmood ah oo uu ku joogey Imaaraadka, sidoo kale waxa uu dib usoo laabtay iyadoo uu u xiran yahay xannibka ay qoorta surtaan dadka gacmaha ka jaban.

”Waxaa nala gudboon inaan is waydiinno, ma waxaa jira qof Madaxwaynaha Soomaaliya garaacaya, wejigiisana bedelaya, gacmahana ka jebinaya marka uu tago Imaaraadka?” ayuu is waydiiyey.

Waxaa sidoo kale baraha bulshada ka soconaya dood tan la mid ah oo muujinaya tuhunka ay dadwaynuhu ka qabaan arrintan oo ay sii qaadqaadeen dadka aaminsan waxa loo yaqaan ”Aragti-dhagareedka”.

Si kastaba, xog rasmi ah lagama hayo arrintan. Hoos ka eeg ra’yiga dadwaynaha.

Hadalsame Media