(Warsaw) O8 Nof 2023 – Safiirka Ukraine u fadhiya Poland, Vassily Zvarych, ayaa ku eedeeyey gaadiidleyda Polish-ka inay fursad siinayaan Moscow iyagoo xayiraad kusoo rogay dhowr meel oo la iskaga tillaabo xadka
Darawallada gadiidka xamuulka ah ee gadoodsan ayaa wacad ku maray inay si buuxda u xiri doonaan xadka ilaa Warsaw ay wax ka qabanayso cabashadooda.
Gaadiidleeyda ayaa ballanqaaday in saacadiiba ay sii dayn doonaan hal gaari oo xamuul ah, marka laga reebo kuwa sida gargaarka ciidan iyo gargaarka bini’aadannimo, ama badeecooyin xumaanaya sida khudaarta iyo xoolaha nool.
Dibadbaxayaashu waxay ficilkooda ku xiriiriyeen qalalaasihii dhowaan ka dhex dhacay beeralayda iyo nidaamka Poland, kuwaasoo marar badan ku boorriyey Warsaw inay joojiso qulqulka dalagyada rakhiista ah ee ka imanaya Yukreen.
“Waxaanu samayn doonnaa sidii beeralaydu yeeleen – waxaan sii wadaynaa mudaaharaadyada ilaa ay dowladdu qirto inay dhibaato jirto oo ay wax ka qabato,” ayuu yiri Jacek Sokol, oo ah milkiilaha shirkad yar oo leh baabuurta xamuulka ah iyo ku xigeenka madaxa Guddiga Ilaalinta Gaadiidka.
Midowga Yurub iyo Danjiraha Ukraine ee Poland ayaa labaduba aad u dhaliilay tillaabadan lagu xiray xadka oo ay ku tilmaameen mid xumaynaysa wax ay ku sheegeen ”midnimada Yurub”. Poland ayaa sheegtay inaysan arrinta waxba ka qaban karin.
Gaadiidka xamuulka ah ee raashinka sida ee Poland u gudba ayaa sanadkan gaarey 900,000, balse dagaalka Ukraine kahor waxay Polish-ku sanadkii ogolaayeen celcelis ahaan 160,000-180,000 oo qura.
Hadalsame Media