(Qasa) O8 Nof 2023 – Ururka Xamaas ayaa ganafka ku dhuftay qorshaha ay waddo Israel ee ah in meesha laga saaro ururkooda marka ay timaado xukunka Falastiin, xilli ay duqaymo ku socdaan Marinka Qasa.
Xamaas ayaa si gaar ah qorshahan ugu eedaysay Maraykanka oo ay sheegeen inuu horay ugusoo fashilmay dalal ay Somalia ka mid tahay.
“Maraykanka oo ku fashilmay Ciraaq… Afgaanistaan… iyo Soomaaliya… hadda waxay rabaan inay dib u habayn ku sameeyaan Qasa?” ayuu yiri Xubin ka tirsan xafiiska siyaasadda Xamaas oo diidey isku dayga lagu doonayo in kooxda looga saaro maamulka mustaqbalka ee Qasa, isagoo ku nuux-nuuxsaday in isbedel kastaa uu yahay arrin gudeed oo Falastiin leedahay.
Israel ayaa weerarka aargoosiga ah ee aan kala sooca lahayn ku qaadday Marinka Qasa kaddib weerarkii 7-dii Oktoobar lagu qaaday koonfurta dhulka ay haysato Israel, halkaasoo ay kooxda Xamaas ku laayeen ilaa 1,400 oo qof oo rayid u badnaa.
“The Americans who failed in Iraq… in Afghanistan… in Somalia … now they want to restructure Gaza?”
A member of Hamas’ political bureau rejected attempts to exclude the group from future governance in Gaza, emphasizing that any changes are an internal Palestinian matter.… pic.twitter.com/wMh22vKHgV
— Al Jazeera English (@AJEnglish) November 7, 2023
Hadalsame Media