”Idiinma roona” – Maraykanka oo Israel uga digey hal arrin oo ay la damacsan tahay Qasa

0

(Hadalsame) O8 Nof 2023 – Aqalka Cad ayaa ka werwersan suurtagalnimada “dib u qabsashada” Gaza ee Israa’iil, kaddib markii hoggaamiyaha waddanku uu tilmaamay in ciidamada Israa’iil ay la wareegi doonaan “mas’uuliyadda guud ee amniga” ee aaggaasi kaddib dagaalka Xamaas.

Mar la waydiyey in la miisaamo qorshaha fog ee Gaza intii lagu guda jirey waraysi uu siiyey CNN Talaadadii, afhayeenka Golaha Amniga Qaranka, John Kirby, ayaa ku boorriyey Israa’iil in ay dib u eegis ku samayso inay milletari ahaan marinkaasi u joogto muddo dheer.

“Madaxwaynuhu wuxuu weli aaminsan yahay in dib u qabsashada Gaza ee ciidamada Israel aysan wanaagsanayn. Uma roona Israa’iil; uma wanaagsana dadka Israa’iil,” ayuu yiri isaga oo aan tafaasiil ka bixin.

Yeelkeede, wuxuu farta ku fiiqay inuu Israel la qabo in Xamaas xukunka laga tuuro.

“Mid ka mid ah wada-hadalladii uu Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Antony] Blinken ku lahaa gobolka waxa ay ku saabsanaayeen sida u ekaanayso Gaza colaaddan kaddib?” afhayeenku waxa uu intaa ku daray “Sababtoo ah wax kasta oo ay u ekaato ma noqon karto sidii ay ahayd Oktoobar 6. Ma noqon karto mid hoos timaada Xamaas.”

Si kastaba, Mark Regev, oo ah la taliye sare oo aad ugu dhow RW Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israel aanay qorshaynayn inay wada qabsato Qasa oo ay maamusho siyaasad ahaan, balse ay doonayso inay gacanta ku dhigto ammaanka.

Israel ayaa Gaza oo ay qabsaay ka baxday 2001, halka ay Xamaas xukunka doorasho kula wareegtey 2006-dii.

Hadalsame Media