(Hadalsame) O8 Nof 2023 – Ciidanka Ilaalada Xuduudaha Hindiya (BSF) ayaa dhigay xabasyo shinni ah oo ku teedsan xadka dhereran 4,096km ee dalkaasi uu la wadaago Bangladesh si ay uga hortagaan tahriibinta lo’da iyo dembiyada kale, iyadoo islamarkaana nolol-maalmeed loo samaynayo dadka reer miyiga ah ee halkaa deggan, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha dalkaasi.
Sanduuqyadan shinnida ayaa la dhigay xayndaabka soohdinta gaar ahaan gobolka Galbeedka Bengal oo u nugul tahriibinta lo’da, sida uu sarkaal ciidan u sheegay Wakaaladda Wararka ee PTI. Hindisahan ayaa ka yimid guutada 32-aad ee BSF.
Dowladda Federaalka Hindiya ayaa waxay dhibaato wayn u aragtaa dembiyada ka gudba xuduudaha iyo socdaalka sharci darrada ah ee soohdinta ay la leedahay Bangladesh.
Degmadda Nadia ee Galbeedka Bengal, halkaas oo lagu rakibay xabasyadan shinnida ah, ayaa waxaa joogto ka ah tahriibinta lo’da, dahabka, qalinka, iyo maandooriyaha oo aad ugu baahsan, sida ay saraakiishu u sheegeen PTI.
Waxay intaa ku dareen in dembiilayaashu ay horay u dalooliyeen xayndaabka iyagoo “jaray ama isku dayey inay jaraan siligga”.
Saraakiisha BSF ayaa ka digay in weerarrada ka imanaya shinnidu ay “si xun u dhaawici karaan” qof kasta oo isku daya inuu si sharci darro ah uga gudbo xadka.
Fikraddan shinniada ayaa shakhsiyan leh Sujeet Kumar, oo ah Taliyaha Guutada 32-aad ee BSF ee xadka ilaaliya.
Aimed at completely securing India-Bangladesh border fencing from Bangladeshi infiltrators and smugglers, the Border Security Force (BSF) has started a scheme of beekeeping-a move expected to play an important role in preventing the fence from being cut: BSF pic.twitter.com/GUH0cqtQ4H
— ANI (@ANI) November 6, 2023
Hadalsame Media