(Washington, DC) O7 Nof 2023 – Xildhibaanka Matt Gaetz oo Jamhuuriga ka tirsan islamarkaana gobolka Florida ku metela Aqalka Wakiillada ee Koongarayska ayaa soo jeediyey in Somalia lagu ciqaabo hadalkii RW Xamse Cabdi Barre oo beri dhowayd si qiiraysan uga hadlay arrinta Falastiin, Xamaasna ku sheegay urur aan argagixiso ahayn, sida ay sheegaan Galbeedku.
Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa Talaadadii ka hadlay qadiyaddan isaga oo khudbad ka hor jeedinyay culumo, wuxuuna yiri hadal caalamka ku baahay oo ahaa in aysan Xamaas marnaba argagixiso u aqoonsanayn ”xitaa hadii kurka nalaga jarayo.”
Wuxuu Gaetz oo aan ku cusbayn ku baaqitaanka in Maraykanku iskaga baxo Somalia uu ku celiyey in ciidanka halkaa ka jooga gebi ahaanba lagasoo saaro, in faraha laga qaado siyaasadda Somalia iyo in laga ololeeyo kursiga ay Somalia ka doonayso Golaha Ammaanka ee QM.
We disagree with any discussion/plan/suggestion to reassess US military engagement with Somalia and to oppose the announced @Somalia‘s bid for a non-permanent seat at the @UN Security Council due to @SomaliPM @HamzaAbdiBarre anti-Jewish and pro-Hamas comments.
PM Hamza Barre’s… pic.twitter.com/0694Jb0Qv0
— Von Batten-Montague-York, L.C. (@batten_von) November 6, 2023
Yeelkeede, Von Batten-Montague-York, L.C., oo ah hay’ad kuwa wax qalqaaliya ah ayaa arrintaa ka hor timid, waxayna sheegeen in waloow ay nasiibdarro ku sheegeen hadalkii RW Xamse, islamarkaana ay ka garaabeen doodda xildhibaanka, misna waxay soo jeediyeen inaan Somalia meel cidlo ah looga tegin, iyagoo caqli xumo ku tilmaamay in arrintan qaabkaa taban looga fal-celiyo.
PM Hamza Barre’s words are regrettable and do not reflect Somalia or the Somali people. The Somali people seek only peace and to save innocent lives.
”Hadalka RW Xamse Barre waa wax laga xumaado oo aan ka turjumayn Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed toona. Dadka Soomaaliyeed waxay raadinayaan nabad oo kaliya iyo badbaadinta nafaha aan waxba galabsan.” ayay qoraal kooban ku tiri Von Batten-Montague-York, L.C.
Hadalsame Media