”Sidan nagula joogi maysid” – Dalalka Afrikaan ah oo danjirohoodii uga yeertay Israel (Imisa dal ayaa ilaa haatan tillaabadaa qaaday?)

0

(Hadalsame) O7 Nof 2023 Dalalka Koonfur Afrika iyo Chad ayaa ku biiray liiska sii kordhaya ee dalalka shaqaalahoodii diblomaasiyadeed kala baxay Israa’iil, iyagoo cambaareeyey nidaamka Tel Aviv oo kumannaan shacab Falastiiniyiin ah ku diley Qaza intii ay socdeen duqaymaha marinkaasi.

“Xasuuq ay eegayaan indhaha beesha caalamka looma dulqaadan karo,” ayay tiri Wasiirka Madaxtooyada Koonfur Afrika ee Khumbudzo Ntshavheni oo sidaa u sheegay suxufiyiinta iyadoo ku sugan Pretoria. “Xasuuq kale oo gala taariikhda aadanaha ah lama aqbali karo.” ayay raacisay.

Xubnaha Golaha Wasiirada Koonfur Afrika waxay shir ku go’aamiyeen isbuucii hore in dib loogu yeero saddexda diblamaasi ee dalkaasi ee fadhigoodu yahay Tel Aviv si ay “la tashi ula yeeshaan,” ayay tiri Ntshavheni.

Waxa ay sidoo kale ka dhawaajisay in laga yaabo in iallaabo laga qaado Safiirka Israa’iil u jooga Koonfur Afrika, Eli Belotserkovsky, oo lagu eedeeyey in uu hadallo meel ka dhac ah ka sheegay dalalka kasoo horjeeda duullaanka Israel ee Qasa. Waxay ku dartay in doorkiisa Pretoria uu “noqonayo mid aan lasii wadi karin.”

Chad waxay dib usoo celisay mas’uulkeedii u qaabilsanaa Israa’iil Sabtigii kaasoo ku sime uun ahaa, sida lagu sheegay bayaan ay dowladdu soo saartay.

Koonfur Afrika iyo Chad waxay raacayaan 7 waddan oo kale oo Israa’iil u ciqaabaya qaab diblomaasiyadeed. Bolivia waxay xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Israel 31-kii Oktoobar.

Halka dalalka Turkiye, Jordan, Bahrain, Honduras, Colombia iyo Chile ay sidoo kale u yeerteen danjirayaashoodii u joogay Israel.

Hadalsame Media