Beckham oo jawaab yaab leh ka bixiyey markii la waydiiyey kooxda caawa badinaysa AC Milan vs PSG (Daawo)

0

(Milano) O7 Nof 2023 – Laacibka David Beckham ayaa waxa uu ka faa’iidaysanayaa waqtigiisa firaaqada ah isagoo daawanaya Yurub, waxaana Talaadadan caawa ah dib loogu arkay San Siro, oo ah guriga kooxdiisii hore ee AC Milan, oo ay marti ugu yihiin Paris Saint-Germain oo uu iyana usoo ciyaaray kulan ka tirsan heerka guruubyada Champions League.

Waxa uu arkay Henry, oo caadiyan wax la tebiya Jamie Carragher iyo Micah Richards oo ay ka wada tirsan yihiin CBS, kaddibna wuxuu waydiiyey su’aalo gaaban.

Isagoo la hadlaya Beckham, Henry wuxuu yiri: ‘Ninka wayn haye. Oo jooga garoonkiisii hore, isagoo daawanaya labadiisii kooxood.’

Yeelkeede, Beckham ayaa diidey inuu mid u codeeyo, isagoo rajeeyey inay barbarro ku kala tagaan, maadaama ay middoodba weli rajo ka leedahay usoo bixitaanka wareegga xiga.

Beckham ayaa 33 kulan u saftay AC Milan labo xilli-ciyaareed oo amaah ah. Markii ugu horreeysay waxay ahayd Janaayo 2009-kii intii lagu jiray xirnaanshaha horyaalka MLS.

Kaddibna markii uu ku guulaystey MLS Cup 2012, Beckham wuxuu ka tagey LA Galaxy si uu ugu laabto Yurub isagoo kula biiray PSG heshiis gaaban. Kaliya 14 kulan ayuu saftay kahor inta uusan ciyaaraha ka fariisan dhamaadkii xilli ciyaareedkii 2012-13.

Hadalsame Media